Wariyaha ree Holland ee Hugo Borst ayaa dhulka la galay da’yarka dalkiisa iyo kooxda Ajax ee Matthijs De Ligt kaas oo ay haatan kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub ku tartamayaan isla markaana heshiiska lagu doonayo noqday mid aad u dheeraaday.

De Ligt ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayaa kooxo ay ugu horreeyaan Barcelona, Juventus, PSG iyo Man United iyadoo kolba kooxi hoggaanka u qabanayso rabitaankiisa isla markaana inta ugu badan lagu kala jiidanayo dhaqaale iyo lacag.

Wali ma jiraan wax si rasmi ah loo dhammaystiray balse waxa soo dhawaanaysa dhammaadka sheekada suuqa ee De Ligt waxaana wararka ka imanaya Talyaanigu ay sheegayaan in Juventus ay gabo gabaysay saxeexiisa isla markaana ay heshiiska ku garaacday Barca iyo PSG.

Haddaba, Iyadoo ku dhawaaqista heshiiskaas la sugayo ayuu wariye Borst weerar ku qaaday da’yarkan isaga oo ku duray inuu ku biiri waayay horyaalada Spain iyo Premier League isla markaana is weydiidayay wakhtiga uu 19 jirkani sidanoo dhan baahida lacagta u qaaday.

“Haddii aad dooranayso meel kamida dunida waxaad dooranaysaa Premier League, Barca ama Real Madrid, England iyo Spain waxay haystaan labada horyaal ee ugu xoogan dunida, Dalalkaas waxaad ku arki kartaa xiddigaha ugu fiican dunida oo aad daawan iyaga oo horumaraya”

“Juve miyaa? Kooxdaas waa loo damaanad qaaday inay ku guuleystaan horyaalka laakiin may awoodin inay qaadaan Champions League xataa iyagoo Cristiano la jiro, Muxuu De Ligt u tagi karaa Italy”

“Raiola waxa uu u muuqdaa mid dalbanaya mushahar sanadkii €14 Milyan ah, Goormuu De Ligt noqday mid lacagta sidaas ugu baahi qaba”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR