Ugu horeyn Klopp ayaa ka hadlay hadii Matib iyo Henderson diyaar u yihiin kulanka ay la cayaari doonaan kooxda Brighton maalinimada bari wuxuuna yiri “Matib shalay tababarka ayuu ka qeyb qaatay hase yeeshee waa inaan xaaladiisa qiimeynaa, Henderson asna maanta tababarka ayuu qaatay”

Klopp ayaa markaas sheegay in Lallana, Lovren iyo Gomes gabi ahaantoodba seegi doonaan kulanka Brighton.

Kadib Jurgen Klopp ayaa ka hadlay sida xaalka kooxda ku socdo wuxuuna yiri “waxaan qaadanay xili ciyaareed fiican waana nagu waajib inaan howsheena sii wadano, labo isbuuc kahor dadkoo dhan waxay la yaabanaayeen farqiga dhibcaha ee aan Manchester City ka sareynay balse hadana labo kulan xiriir ayaan guul dareysanay, ma ahan wax fiican inaad guuldareysato lkn sidoo kalana musiibo ma ahan”

Klopp ayaa ka hadlay hadii uu Fabinho difaaca dhexe kala cayaarsiin doono Virgil van Dijk wuxuuna yiri “ hadii aan ku qasbaano inaan Fabinho difaaca kooxda qeyb kaga dhigno markaas waa inaan marka hore tababar kusii qaadanaa, hase yeeshee ma dooneyno inaan arimaha sii cakirno inta hada in kabadan”

Klopp ayaa markaas ka hadlay in Liverpool cayaari doonto hal kulan isbuuc kastaa wuxuuna yiri “taas micnaheeda ma ahan inaan anaga ugu talo galnay inaan koobabkaas ka harno, ee tani waa xaalka aan ku suganahay, qori tuurka ayaa nagu aadiyay Chelsea iyo Wolves waliba guryahooda, Pep wuxuu leeyahay waxaan doorbidayaa inaan koobabka ka harin ana waxaan leeyahay sidaas oo kale”

Klopp “waan daawaday kulankii Tottenham iyo Chelsea labada naadiba waxay heysteen shax dhameystiran aad ayay u nasiib badanyihiin”

Kadib Klopp ayaa ka hadlay xidigaha uu kusoo bilaabin kulankii Wolves wuxuuna yiri “xidigaha aanan kusoo bilaabin kulankii Wolverhambton waxay ahaayeen kuwa qabay dhaawacyo fudud iyo kuwa 9 cayaarood oo xiriir ah cayaaray bishii December, xaaladeena daafac ma ahan mid wanaagsan balse labo isbuuc kadib waxkasta wey is badali doonaan”

Ugu dambeyn macalin Jorgan Klopp ayaa sheegay in Lovren uu rajeynaayo inuu soo laabto kadib kulanka Crystal Palace.

Dhamaad.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR