Daafaca kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka Brazil ee Marquinhos oo koox iyo qaranba la wadaaga Neymar JR ayuu kasoo yeedhay hadal ku aadan saaxiibkiisa kooxda oo uu haatan mustaqbalkiisa yahay mid aan meel si buuxda loogu hubin.

Paris Saint-Germain ayaa Neymar keentay horyaalka Ligue 1 xilli suuqii 2017 kaddib markii ay kasoo bixiyeen lacag rekoodhka dunida kubadda cagta noqotay oo dhammayd €222 Milyan isla markaana ahayd midii lagu bur-burin karayay heshiiskiisa.

Neymar ayaa tan iyo imaatinkiisa kooxda caasimada France soo dhaliyay 34 gool oo horyaalka ah 20 kalena caawiye kasoo noqday balse gabi ahaanba farxad ka waayay kooxda.

Neymar ayaa dhibane usoo noqday dhaawacyo seejiyay kulamo tiro badan labada xilli ciyaareed ee uu kusoo qaatay Parc des Princes waxaana uu awoodi waayay inuu kooxdiisa ka caawiyo muhiimadeeda koowaad ee ah ku guuleysiga Champions League.

Haddaba, Iyadoo ay sidaas tahay ayaa Neymar haatan dib loola xidhiidhinayaa kooxdii uu kasoo baxay ee Barcelona waxaana uu Marquinhos sheegay hadal shidaal u noqon kara xiisihii kooxdaas ee Neymar.

Daafaca ree Brazil ayaa sheegay in Neymar oo kale ay adagtahay in marka horeba lala soo saxeexdo isagoo dhinaca kale qirtay inay sidoo kale adagtahay in kooxda lagu sii celiyo haddii uu si dhab ah bixitaan u doonayo.

Marquinhos ayaa yidhi “Waan rajaynayaa (In Neymar uu sii joogi doono Paris), Isagu waa mid muhiim ah, Way adagtahay in ciyaartoy sidaas oo kale ah kooxdaada lagula soo saxeexdo sidoo kale way adagtahay in isaga la celiyo laakiin waxaan rajaynayaa inuu anaga nala sii wadan doono”

“Marka laga yimaado inuu yahay ciyaartoy muhiim ah, Isagu sidoo kale waa saaxiib, Nin aan jeclahay, Xaqiiqdii waxaan rajaynayaa inuu sii joogo”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR