Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa duhurnimadii maanta lagu qaaday Kolonyo Ciidamada AMISOM la socdeen oo marayay duleedka Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga deegaanka Weydow oo ku dhow KM13.

Kolonyada Ciidan ayaa ku soo socday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay ka yimaadeen dhanka Afgooye, waxaana gaariga qaraxa saarnaa uu lagu dhiftay mid ka mid ah kolonyada ciidamada AMISOM.

Gaariga qaraxa fuliyay ayaa ahaa gaari NOAH ah, waxaa la sheegay inuu wadayay ruux naftii halige ah oo beegsaday kolonyada ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare, balse si rasmi ah looma oga, waxaana dad ku dhowaa goobta ay sheegayaan in gaariga qaraxa fuliyay uu muddo wadada dhinaceeda ku sugnaa, isla markaana u muuqday mid sugayay kolonyada ciidamada oo markii goobtii ay soo gaareen uu is qarxiyay.

Al-Shabaab ayaa goor dhow qoraalo ay soo dhigeen baraha Internet-ka ku sheegay in weerar is qarxin ah la beegsaday kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM iyo Ciidamo Mareykanka ah oo ka yimid dhanka Saldhigga Ballidoogle.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM, iyadoo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay dhowr jeer qaraxyo baabuur iyo miinooyin dhulka la geliyay lagula eegtay Ciidamada AMISOM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR