Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kooxdiisa
Barcelona u dhaliyay 2 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale kulankii ay
Barcelona garaacday kooxda Lyon.

Laakiin xiddiga reer Argentine ayaa amaanay xiddiga ay
sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo kaas oo ku sheegay in uu soo qaatay
todobaad cajiib ah.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay saddexley kulankii ay
kooxda Juventus garaacday Atletico Madrid uguna soo baxday wareega 8 dhamaadka
tartanka champions League.

Kadib kulankii Lyon ayaa Leo Mess wax laga waydiiyay qaab
ciyaareedkii xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Salaasadii.

“Wixii ay Cristiano Ronaldo & Juventus sameeyeen waxa
ay ahaayeen wax cajiib ah”ayuu Yidhi ciyaarta kadib.

“Waxa aan filayay in ay Atletico Madrid adkaan doonto”.

“Ronaldo waxa uu soo qaatay Habeen sixir leh oo uu
dhaliyay 3 gool”.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR