Advertisements

Khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Donny Van de Beek ayaa dabka kusii huriyay wararka xiddiga kooxdiisa ee Hakim Ziyech la xidhiidhinayay kooxda Premier League ee Chelsea.

Advertisements

Wargeyska De Telegraaf oo ah midka ugu xog ogaalsan dhinaca ciyaaraha dalka Holland ayaa shalay shaaca ka qaaday in Blues ay heshiiska shaqsiga ah la meel dhigeen xiddiga ree Morroco isla markaana ay kaliya sugayaan inay la xaajoodaan kooxdiisa.

Image result for De Beek and Ziyech

Ziyech oo tayo ahaan aad u wanaagsan ayaa lagu heli karayaa 38 Milyan oo Pound waana qiimo aad ugu wanaagsan Blues oo sii bilaabaya qorshahooda suuqa xagaaga kaddib laba suuq oo aysan wax saxeexyo ah samaynin.

Van de Beek oo ka hadlay arrimaha Hakim iyo Chelsea ayaa sheegay inuu wanaag oo dhan uga rajaynayo saaxiibkiisa Ajax dhinaca Stamford Bridge isagoo sidoo kale xusay inuu u qalmo u ciyaarista koox Chelsea oo kale ah.

Donny ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Wararka waa la ogyahay wanaag oo dhan ayaanan u rajaynayaa isaga, Chelsea waa koox weyn, Isagu hubaashii wuu u qalmaa”.

“Isagu waa ciyaartoy kubadda cagta ah oo cajiib ah, Waxaanan filayaa inuu qiimo ku darayo inta ugu badan kooxaha”.

Haddiiba ay Chelsea si rasmi ah ugu guuleysato saxeexa Hakim Ziyech ayay ku garaaci doonaan kooxaha ay Premier League ku xifaaltamaan ee Man United iyo Arsenal oo la aaminsan yahay inay dhinacooda ka doonayeen.

Mid kamida shuruudaha ay Chelsea sida rasmiga ah ugu soo jiidan karto Ziyech ayaa ah inay xaqiiqsato usoo bixitaanka UEFA Champions League xilli ciyaareedka dambe, Walow ay haatan booska afraad ku jiraan haddana waxa jira kooxo dhawr ah oo aan wax badan ka hooseyn.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR