Wargayska Mundo Deportivo ayaa saadaaliyay kooxda ugu
cad-cad ku guulaysiga tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Isku aadka tartanka 8 dhamaadka ayaa shalay la sameeyay
iyada oo ay ka soo bexeen kulamo adag oo waaweyn waliba xiiso leh.

Isaga oo soo xiganaya saadaaliyayaasha Kubada cagta
Wargayska Mundo Ayaa sheegay in ay kooxda Man City tahay kooxda ugu cad-cad ku
guulaysiga champions League iyaga oo ka horeeya kooxda Barcelona oo kaalinta
2-aad ku jirta.

Shirkada saadaalisa kubada cagta ayaa sheegtay in ay Man
City markii ugu horyasay ku guulaysan doonto champions League xilli
ciyaareedkan taariikhdooda.

Man City ayaa ku aaday kooxda Tottenham wareega 8
dhamadka champions League iyada oo sidoo kale la ciyaari doonta Juventus Ama
Ajax Semi-finalka tartanka.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa 3.25 loogu qiimeeyay ku
guulaysiga tartanka halka ay kooxda Barcelona oo kaalinta 2-aad ku jirta loogu
qiimeeyay 4.33.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR