Ururka Al-shabaab ee dagaalka ku qaaday deegaanka Abal ee Gobolka Bakool ee uu ku sugan yahay Sheikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ujeedkooda markii hore ahaa sidii ay u maskax bedeli lahaayeen Wadaadka mar iyagu ka tirsanaan jiray ee hadda ka baxay balse ay taasi u suurta geli weysay.
Wada-hadalada u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Sheikh Mukhtaar Roobow oo soo bilowday inta aan la dilin Hogaamiyii Al-shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Axmed Godane) ilaa iyo hadana soo gaaray ayaa ku dhamaaday fashil ka dib markii Wadaadka Gooni u goosadka ah laga dhaadhicin waayay qorshooyin badan oo ay wateen Al-shabaab,islamarkaana uu ku adkeystay ineysan u cuntameyn in dib Al-shabaab ugu biiro.
Al-shabaab ayaa wada hadalada u soo Wakiishay Mahad Karataay oo ah Amiir ku-xigeenka Alshabaab,waxaana markaasi ka dib Al-shabaab ay go’aansadeen iney weerar ku qaadaan deegaanka uu ku sugan yahay Sheikh Muqtaar isaga iyo maleeshiyo uu hogaaminayo.
 Sheikh Mukhaar Roobow oo ka carooday falal aan wanaagsaneyn oo Amiirkii hore ee Alshabaab kula dhaqaaqay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab waliba kuwooda ugu sareeya ayaa u baxsaday deegaanka Hoostaga degmada Waajid ee Gobolka Bakool halkaasi oo ay ku badan yihiin Beesha uu ka soo jeedo Wadaadka.
Waxgaradka ku heyb ah Sheikh Muqtaar ayaa ka galay dadaal lagu hadal siinayo Dowladda Soomaaliya iyo Wadaadka si markaasi looga tir tiro Fikirka qaldan uu ka aaminsan yahay Dowladda,isagana looga saaro Liiska Madow ee Mareynkanka uu ku qoro qolada lagu eedeeyo argagixisada.
 Daba-yaaqada bishii June ee sanadkaan ayaa Wasaarada Arimaha dibada ee dalka Mareynkanka ayaa Liiska waxa loogu yeero argagixisada ka saartay Sheikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ka dib wada hadal dhexmaray Wadaadka iyo Dowladda Soomaaliya.
 Sheikh Muqtaar si cad uma sheegin inuu ka soo laabtay fikirka Al-shabaab,balse wuxuu muujiyay inuu ka baxay Al-shabaab,islamarkaana uu nabad diyaar u yahay.maxresdefault (3)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR