Muddo 35 cisho ah ayaa laga joogaa, markii Shabaab ay weerareen Xarumaha ay degan yihiin Wasaaraddaha amniga iyo arrimaha gudaha ee dowladda Federalka Somaliya, weerarkaasi oo dhacay 7-dii Bishii aan soo dhaafnay ee July.

Illaa waqtigan waxaanan shaqeynayn Xarumaha Wasaaraddaha amniga iyo arrimaha gudaha oo ku taallo Isgoyska Sayidka daarta loo yaqaan Ote ote, halkaasi oo wali ay ka muuqato bur burkii ka dhashay qaraxii lagu weeraray iyo dagaalkii tooska ahaa.

Xarunta Ote Ote ee Wasaaradahan ay degan yihiin, sidoo kale waxaa ku yaalay talis ay leeyihiin ciidanka Booliska, kaasi oo loo adeegsan jiray Isgaarsiinta.

Marka sheeda sare laga eego dhismaha Xarumahan, waxaa muuqanaya bur burkii ka dhashay qaraxyada, sidoo kale wali waxaa dhex yaalla xarunta dhexdeeda, gaadiid bur bursan oo ku dhex bur buray qaraxii lagu weeraray, iyadoo mid ka mid ah albaabada Wasaaraddahana uu bur bursan yahay, maadaama qaraxa gaariga uu halkaasi gaaray.

Ma cadda sababta illaa hadda madaxda Wasaaradahan ay isugu mashquulin waayeen dhismaha xarumahan, maadaama labada Wasaaradood ee amniga iyo arrimaha gudaha ay yihiin kuwa aanan laga maarmin, marka loo eego shaqooyinka ay bulshada u hayaan.

Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha gudaha qaarkood, ayaa waxa ay inoo sheegeen inaysan shaqeyn, balse uu jiray qorshe ah inay ku shaqeeyaan Hotelo, taasi xittaa ay suurageli wayday, sababo ku aadan dhanka ammaanka, kadib isbuuc lagu shaqeeyay Hotel Magaalada ku yaalla, kadibna ay sii socon wayday arrintaasi.

Sidoo kale illaa hadda waxaanan la ogeyn meesha ay ku dambeeyaan Saraakiil ka tirsanaa Booliska iyo Nabad Suggida oo loo xiray baaritaanka weerarkaasi, inkastoo illaa hadda aysan cadeyn meesha ay ku dambeyso kiiska baarista amuurtaasi.

Ka sokoow weerarkii Bishii July ee sanadkaan Shabaab ay ku qaadeen xarumaha Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, Isgoyska Sayidka oo badi ay isticmaalaan gaadiidka dowladda, ayaa u qaab ekaaday goob furun dagaal ah, marka loo eego ciidamada sida ay difaaca ugu jiraan oo qoryaha ula garwaaxsan yihiin.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR