Wararka ka imanaya dalka Itlay maanta oo khamiis ah ayaa sheegaya in uu xiddiga Cristiano Ronaldo ka fikirayo in uu isaga tago kooxda Juventus kadib wixii dhacay salaasadii kulankii Ajax ee tartanka champions League.

Kooxda Marwada duqda ah ayaa si lama filaan ah 8 dhamaadka tartanka champions Leaue kaga hadhay kadib markii ay guuldaro 2/1 ah ka soo gaadhay kooxda Ajax taas oo ayna cidna filayn in ay dhacdo.

Guuldaradaas ayaa saamayn weyn ku yeelatay kooxda Juventus iyada oo ay si weyn hoos ugu dhacday qiimaynteeda suuqa iyo waliba rabitaanka Cristiano Ronaldo ee in uu isaga tago kooxda.

Wargayska La Repubblica ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Portugal go,aansaday in uu Juventus sii joogo kaliya xilli ciyaareedka dambe ka hor inta uuna isaga tagin kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga 2020.

Wargayska ayaa sheegaya in uuna Ronaldo ka tagi doonin Juventus xagaagan laakiin uu xilli ciyaareedka dambe noqon doono midkiisii ugu dambeeyay isaga oo aan kooxda sii joogi doonin inta uu heshiiskiisu ka dhici doono ilaa xagaaga 2022.

Cristaino ayaa Juventus kaga soo biiray kooxda Real Madrid isaga oo ugu soo biiray 100 Milyan oo euro xilli si weyn loogu han weynaa in uu Juventus kula guulaysan doono tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR