Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goolhayihii Kooxda Manchester Joe Hart City uu maanta tijaabada caafimaad u mari doono kooxda Westham United, isagoona ugu biiraya hashiis hal sanno oo amaah ah.

Xiddiga xulka qaranka Ingiriiska ayaanan rabin in uu mar kale u ciyaaro City, isagoo xilli ciyaareedkii hore sidaan oo kale qaab amah ugu soo ciyaaray kooxda Torino ee ka dhisan dalka Talyaaniga.

Wargeyska London Evening Standard lagu dabacay maanta ayaa sheegaaya in hashiiskaan amaahda ah ay sida wada jir ah u gaareen labada kooxood ee City iyo Westham , isla markaana uu Hart caawa tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda k dhisan London.

Hart ayaa usaftay xulka qaranka Ingiriiska 71 kulan tan iyo markii loogu yeeray xulka qaranka, laakiin wuxuu waayay sumcadiisii kooxda City tan iyo imaanshiyaha Pep.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR