Kumannaan dhaxgaan baraf ah oo qaabka ukunta u sameysan ayaa daboolay xeeb ku taalla Finland, arrintan oo ka dhalatay isbeddelka cimilada.

Sawir-qaade aan khibrad lahayn oo lagu magacaabo Risto Mattila ayaa ka mid ah dadkii la kulmay “ukumaha barafka ah” ee Xeebta Jasiiradda Hailuoto eeGacanka Bothnia oo u dhaxeeya Finland iyo Sweden.

Khubarrada ayaa sheegay in arrintan ay sababtay xaalad dhif ah oo isbddelka cimilada ah, taasoo keenta in dhagxaan yaryar oo baraf ah ay soo xaaqaan dabeylaha iyo biyaha.

Mr Mattila, oo ka soo jeeda magaalada yar ee xeebta u dhow ee Oulu, ayaa u sheegay BBC inuusan weligii hore u arkin wax sidaasoo kale ah.

Mr Mattila ayaa sheegay in ukumaha barafka ah ay dabooleen dhul cabbirkiisu yahay ilaa 30m. Kuwa ugu yar waxay la ekaayeen ukumaha halka kuwa ugu waaweynna ay kubbad la ekaayeen.

Khabiirka Cimilada ee BBC George Goodfellow ayaa sheegtay in ukumahan barafka ah ay ka sameysmeen dhagaxaan baraf ah oo waaweyn kuwaasoo ay dabeyluhu kala jarjareen ayna ka dhigeen kuwo wareegsan.

“Waxay sameysmi karaan marka biyaha badda ay barafoobaan waxayna noqonayana kuwo jilicsan. Sidaas darteed waxaa ka sameysmaya baraf wareegsan oo kaddibna xeebta tagaya, ama halkaasi ayay dabeyluhu geeyeen ama xaggaas ku haray.”

Arrintan oo kale waxay ka dhacday meelo badan, sida Ruushka iyo Harada Michigan oo u dhow Chicago.

Sanadkii 2016 dadka deegaanka Nyada ee dalka Serbia ayaa arkay ukumo baraf ah oo daboolaydul dhan 18km (11-mile) oo xeebta ah.

.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR