Lithuania ayaa noqotay dhibanihii ugu danbeeyay ee Cristiano Ronaldo ka dib markii 34 jirkaan uu afar gool ka dhaliyay xalay kulankii ay Portugal ku badisay 5-1.

Guul laga filayay Portugal ayay aheyd laakiin waxa ay habeen weyn u aheyd xiddiga kooxda Juventus.

Ronaldo ayaa haatan shabaqa ka soo taabtay 40 wadan oo kala duwan intii uu u ciyaarayay xulkiisa, waana in ka badan 12 wadan intii uu Messi shabaqa ka soo taabtay.

Ronaldo waxa uu sidoo kale dhaliyay 93 gool kulamada caalamiga ah isagoo ah xiddiga labaad ee abid ugu goolasha badan kulamada caalamiga ah, waxaana uu waayihiisa ciyaareed dhaliyay 54 seddexleey oo sideed ka mid ah uu u dhaliyay Portugal.

SIDOO KALE AKHRISO:  Michael Owen Oo Jurgen Klopp U Sheegay Halka Dhibaato Ee Ay Tahay In Uu Kooxdiisa Ka Dhex Xaliyo.

Tirooyinkaas ayaana ah kuwa cajiib ah.

Waxaa taas sii dheer inuu jabiyay rikoorka gooldhalinta ee kulamada isreebreebka Qaramada Yurub isagoo haatan ku hogaaminaya 24 gool.

Waxaa rikoorkaas hore u hayay halyeeyga Republic of Ireland Robbie Keane oo 23 gool ka dhaliyay isreebreebka Qaramada Yurub.

Weeraryahankii hore ee Tottenham iyo Liverpool ayaana moodaa inuu sii ogaa in Ronaldo uu xalay jabinayo rikoorkiisa, isagoo ka baryay xiddiga reer Portugal inuusan jabin rikoorkiisa ka hor kulankii xalay.

“Waxaan u maleynayaa inaad heysato rikooro kugu filan Cristiano. Midkaan faraha ka qaad.” ayuu Keane soo dhigay bogiisa Instagram.

Laakiin taasi ma aheyn marnaba mid suurtogal ah. Hal sheey uu Keane hubo inuu sii heysan doono waa rikoorka gooldhalinta Ireland oo uu ku hogaaminayo 68 gool isagoo heysta rikoorkaan muddo ka badan 18 sannadood.

SIDOO KALE AKHRISO:  Xulka Qaranka England Oo Wembley Stadium Ku Gumaaday Bulgaria, Harry Kane Oo Saddexley Dhaliyay Iyo Three Lions Oo Euro2020 Ku Sii Dhawaanaya.

Xiddiga haatan garoonka ku jira ee ku soo dhow gooldhalintiisa Ireland waa Shane Long oo leh 17 gool.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR