(Arsenal) 16 Maajo 2018. Xidigii kooxda Arsenal José Antonio Reyes ayaa wuxuu soo dhaweeyay in Luis Enrique uu noqdo badalka Arsene Wenger ee kooxda Arsenal xili ciyaareedka soo aadan.

Arsene Wenger ayaa horey ugu dhawaaqay inuu ka tagayo Gunners dhamaadka xili ciyaareedkan kadib mudo dhan 22 sano uu kusoo qaatay kooxda reer London.

Warar badan oo soo baxayay dhawaan ayaa waxay tilmaameen in macalinkii hore Barcelona Luis Enrique lala xiriirinayo inuu noqon doono badalka Arsene Wenger xili ciyaareedka soo aadan.

Antonio Reyes oo horey u soo xirtay maaliyada Guuners ayaa wuxuu yiri: “Dabcan, Luis Enrique wuxuu qaban karaa shaqadan, si uu u noqdo badalka Wenge ee Arsenal, dhamaanteen waan ognahay inay aad u fiican tahay”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR