Liverpool ayaa ku sugan magaalada ay taariikhda wayn ku leedahay ee Istanbul halkaas oo ay iskugu diyaari nayaan finalka UEFA Super Cup ee ay habeen danbe la ciyaari doonaan Chelsea.

Tababarkii ugu danbeeyay ee ay Liverpool ugu diyaar garoobaysay kulanka Chelsea waxaa xili hore ka baxay mid ka mid ah ciyaartoyda muhiimka ah ee Reds kaas oo hadda shaki la galinayo taam ahaanshihiisa buuxa.

Naby Keita ayaa xili horeba ka baxay tababarkii kooxdiisa Liverpool wuxuuna walwal cusub ku abuuray jamaahiirta kooxdiisa Reds iyo waliba tababare Jurgen Klopp.

Naby Keita ayaa dhawaan ka soo laabtay dhaawac soo noq-noqday kaas oo uu ku seegay finalkii UEFA Champions league isla markaana aanu si buuxda ugu ciyaarin xulkiisa Genea intii lagu jiray koobkii qarmada Afrika.

Ka bixitaankii Naby Keita uu xarunta tababarka kooxdiisa Reds kaga dhaqaaqay waxay abuurtay walaac cusub oo muujinaya in uu dhaawac kale soo gaadhay ama ugu yaraan uu dhibaato ka dareemay in uu tababarka dhamaysto.

Ciyaaroyda kale ee Liverpool ayaa hadda soo dhamaystay tababarkii ugu danbeeyay ee ay Liverpool ugu diyaar garoobayaan laakiin xaalada Naby Keita ayaa noqotay mid walwal abuurtay.

Liverpool ayaa markii horeba la dhibtoonaysay dhaawaca soo gaadhay goolhaye Alisson Becker kaas oo ugu yaraan garoomada ka maqnaan doona labada usbuuc ee soo socda balse xaalada Naby Keita ayaa hadda ku biirtay.

Jurgen Klopp ayaa markii horeba la filayay in uu Keita kaydka kaga tagayo maadaama oo uu kulamadii la soo dhaafay ku soo ciyaaray Henderson, Fabinho iyo Wijnaldium kuwaas oo heer fiican ku soo shaqeeyay.

Sadio Mane ayaa cadeeyay in uu diyaar buuxa u yahay finalka UEFA Super Cup wuxuuna ku dooday in uu la qabsaday daalka iyo in aanu fasax badan soo helin xagaagan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR