Ciyaaryahanada Xulka qaranka Kubada cagta Chile ayaa waxaa nagaha kusoo dhuftay kuwa Brazil, iyagoona sidaas isaga haray Koobka aduunka ee 2018-ka, kaasoo ka dhacayo dalka Ruushka, waxaana soo baxay xulal kala duwan.

Wiilasha Qaranka Chile, ayaa waxaa lagu eedeenayaa in aysan si fiican u qaadan tababarka ka hor kulamada Isreereebka koobka aduunka, waxaana taasi ay keentay inay waayaan booskooda koobkaan xiisaha leh.

Kadib markii ay soo dhamaatay ciyaartaas ayaa waxaa Baraha Bulshada ku jeex jeexday wiilasha Chile, Xaaska Kabtankooda wiilkii hore ee Barcelona, ee Bravo, taasoo lagu magacaabo Carla Pardo.

“Waad ku mahadsan tihiin qarankeyga, qaabka aad ushaqeyseen, waad mahadsan tahay adiga Kabtankeena,” ayay ku bilaabtay Fariinteeda ay soo dhigtay Baraha Bulshada Mrs. Carla Pardo

“Waan ogahay in xidigaha oo dhan ay wada ahaayeen kuwa aanan diyaar u ahayn inay dheeleen sababtoo ah waxayba ahaayeen kuwa Sarkhaansan,” ayay ku muujisay Caradeeda Baraha Bulshada haweeneydaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR