Napoli xidigeeda lagu magacaabo Simone Verdi, oo lahadlay raadiyaha lagu magacaabo Kiss Kiss ee laga leeyahay talyaaniga ayaa guushii ay kooxdiisu kagaartay ku tilmaamay mid saameen wayn kuyeelatay ciyaartooyda iyo taagerayaasha kooxda.

“Wax ay ii ahayd Asbuuc cajiib ah, inaan si wadajir ah ula dabbaal dagno taagerayaasheenna kadib guul aynu habeenkaas kagaarnay Liverpool waxa ay igu reebtay dareen aan lasoo koobi karin.”ayuu yiri Verdi.

“Waligeey kama go’i doonto qalibigayga inta aan noolahay, waana xasuunaan doona.”ayuu hadalkiisa kudaray.

26-jirkan ayaa xagaagan Napolo kaga soo biiray Bologna, intii lagu guda jiray daaqaddii kala iibisiga ee xagaagan.

Weerarhankan ayaa kulankiisi ugu horreeyay u saftay Napoli ciyaartii katirsanayd Champions Legy ee ay kooxdiisu ka adkaatay Napoli, markaas oo ay kooxda Ancelotti ay ku adkaatay 1-0.

Verdi ayaa baddal kusoo galay daqiiqaddii 22-aad ee qaybtii danbe ee ciyaarta isaga oo lagu baddalay Fabian Ruiz.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR