Advertisements

Liverpool ayaa guuldaro culus dhabarka u saartay kooxda koobka premier League difaacanaysa ee Manchester City waxayna Reds sii joogtaysay rekoodhka guuldaro la’aanta ee xili ciyaareedkan.

Fabinho, Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa Liverpool u dhaliyay saddexda gool ee ay ku garaaceen Man City halka Bernardo Silva uu gool soo daahay ku dhaliyay Anfield.

Liverpool iyo Manchester City oo ilaa hadda loo arko labada kooxood ee kaliya ee sida ugu xoogan ugu tartamaya koobka premier league ayaa qaatay kulan cajiib ahaa oo ayna labada kooxood waxba iskula hadhin.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimaynta ciyaartoyda kooxaha Liverpool iyo Manchester City ee kulankii adkaa ee ay labada kooxood ku dhex maray Anfield.

Advertisements

XIDIGII GAROONKA: Fabinho ayaa loo doortay xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu qaab ciyaareed heer sare ah ku caawiyay kooxdiisa Liverpool, gaar ahaan in uu dhaliyay goolkii furitaanka ee ugu muhiimsanaa.

Fabinho waxa uu dhamaystiray 30 baas oo ka mid ah 36 baas oo uu kulankii Liverpool iyo Man City ku bixiyay, waxa uu tuuray laba darbo oo uu mid goolka ku dhaliyay laakiin waxa uu Fabinho diwaan gashaday xog cajiib ah isaga oo ku bilaabsashadiisii shaxda Reds ee kulankiisii 17 aad la gaadhay guushiisii 17 aad ee Anfield.

Xogta Fabinho lagu siiyay abaal marinta xidigii garoonka halkan kaga bogo.

Ciyaartoyda Liverpool ayaa qiimayn layaableh kulankan ka wada helay iyada oo kan ugu hooseeyaa uu haysto 7 darajo iyada oo xidiga ugu sareeya Man City aanu xataa helin qiimaynta ugu hooaysa ee Liverpool xidigihii kulankan ugu soo bilawday.

Waxaa kulankan ku fashilmay Bravo, Walker, Stones, Fernandinho, Angelino, Rodrigo iyo waliba Gundugan si la mid ah Aguero laakiin De Bruyne, Sterling iyo Bernardo Silva ayaa ugu fiicnaa City.

Qiimaynta Ciyaartoyda Liverpool iyo Man City:

Liverpool: Alisson (8), Alexander-Arnold (8), Van Dijk (8), Lovren (7), Robertson (8), Fabinho (9), Wijnaldum (7), Henderson (8), Salah (8), Firmino (7), Mane (8).

Subs: Milner (6), Oxlade-Chamberlain (n/a), Keita (n/a).

Man City: Bravo (5), Walker (5), Stones (4), Fernandinho (5), Angelino (5), Rodri (5), Gundogan (5), Sterling (6), Bernardo Silva (6), De Bruyne (6), Aguero (5).

Subs: Jesus (6).

Maxaa U Xigi Doona Liverpool Iyo Man City Kadib Kulankii Anfield?

Waxaa loo bixi doonaa waqtiga kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada aduunka iyada oo Liverpool kaalinta kowaad ku jirta halka Man City ay kaalinta afraad ku soo qaadan doonto laakiin November 23 waxay Liverpool booqan doontaa kooxda Crystal Palace halka Man City soo dhawayn doonto Chelsea.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR