Xiisad dagaal ayaa ka taagan degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe halkaas oo saacadihii lasoo dhaafay uu ka dhacayay dagaal geystay khasaaro kala duwan.

Ku dhawaad tobaneeyo ruux ayaa dhintay kuwa ka badana dhaawac ayaa soo gaaray kadib dagaal udhaxeeya labo qabiil oo degmadaas ka dhacayay saacadihii lasoo dhaafay.

Waxaa jira warar sheegaya in dagaalkaas ay ku lug leeyihiin ciidamo katirsan DFS kuwaas oo lakala saftay dhinacyada dagaalamaya.

Mid kamid ah Waxgaradka degmada Balcad ayaa xaqiijiyay in xaaladu welli kacsan tahay inkastoo maamulka Hiirshabelle uu ciidamo kala dhex dhigay galinkii dambe ee shalay beelaha dagaalamay.

Sababta lagu dagaalamayo ayaa ah dhul goofaf ah oo ku yaal duleedka degmadaas oo mid kamid ah beelahaas ay dooneysay iney dhisato halka beesha kalana ay kasoo horjeesatay.

Dagaaladda qabiilka ku saleysan ayaa kusii badanaya goboladda Shabeelooyinka iyadoo dhiig badan ay ku daadanayaan dagaaladaas.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR