Wefdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda
Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin
Maxamed Axmed Dhoobo ayaa gelinkii dambe ee shalay booqday fariisimaha ciidanka
Daraawiishta Puntland ee degmada Yubbe .

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa soo kormeeray fariisimaha
kala duwan ee ciidanka Daraawiiishta Puntland ku leeyihiin degmada Yubbe
halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo
Somaliland kuwaasi oo labada dhinac ka fadhiya magaalada Yubbe.

Mudane Dhoobo iyo wefdigiisa ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan Yubbe iyagoo ka dhegaystay warbixinno la xiriira xaaladda ciidanka iyo diyaar-garowga ay ugu jiraan difaaca xuduudaha Puntland.

Dhinaca kale guddoomiyaha iyo wefdigiisa oo xalay ku howday degmada Hadaaftimo ee isla gobolkaasi ayaa saaka kulamo kala duwan la qaadanaya maamulka degmada Hadaaftimo iyo bulshada ku dhaqan degmadaasi.

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR