(France) 16 Maajo 2018. Xiriirka kubada cagta dalka france ee (FFF) ayaa wuxuu si adaga kaga fikirayaa lasoo saxiixasahda macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane, sida ay baahisay warbaahinta Faransiiska.

Wargeyska “L’Equipe” ee dalka farance kasoo baxa ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in xiriirka kubada cagta dalka france uu la hadlay Zinedine Zidane, wuxuuna ku war galiyay suurtagalnimada uu dib ugu soo laaban karo France si uu u leeliyo xulka qaranka kadib koobka aduunka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia.

Wargeyska ayaa sheegay in xiriirka Fransiiska uu sii joogteyn doono la hadalka Zinedine Zidane si uu u noqdo badalka Didier Deschamps.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Zinedine Zidane uusan wax dood ah ka qabi doonin in uu dib ugu soo laabto dalkiisa hooyo si uu u leeliyo xulka qaranka france xiliyada soo aadan kadib marka uu soo gaba gabeeyo waayihiisa kooxda Real Madrid.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR