Xiriirka kubadda cagta ee Spain ee magacoosa loo soo gaabiyo RFEF ayaa ogolaaday in afar bedel loo isticmaali karo kullanka Super Copa oo ay Sevilla iyo Barcelona ciyaarayaan haddii loo baahdo waqto dheerri ah(Extra-time).

Koobkii Adduunka ee sanadkan ayaa laga dhaqan geliyay sharcigan, se waa markii ugu horreysay ee lagu isticmaalayo dalka Spain, gaar ahaan heer naadi.

RFEF ayaa ku dhawaaqay in heshiiskan ay wada aqbaleen guddiga garsoorka ciyaartaas, si la mid ah Sevilla iyo Barcelona, sidaas darteedna la dhaqan gelin doono.

Super Copa ayaa sanadkan ka geddisan sidii horay loogu yaqaanay, iyadoo la ciyaari doono keliya hal is arag oo Final ah, kullan 12-ka bishan August ka dhici doono dalka Morocco.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR