Magaalada London waxaa ku nool 17 million
oo ruux marka lagu daro dadka gobollada ka soo shaqa taga, Qaahira-na waxaa ku
nool 10 million halka magaalada Nairobi lagu sheego 6 million marka lagu daro iyana
dadka uga soo shaqo taga deegaanada ku xeeraan,waa magaalooyin waaweyn,dad tira
badan baa ku nool wax walbaana sidii la rabay ayey u shaqaynayaan,matoorka
dhaqaajiya ee wax socodsiinayaana waa ammaanka oo la sugay iyo nimaadka iyo
kala danbaynta oo  shaqaynaya!.

Ammaankoodaa sugan, dhinacyada ayey isku
hayaan, mana jiraan wax is diidan haddiise ay dhacdo in qalad yimaado,waxaa
saxaya hay’adaha u xil saaran,laakiin rukunka ugu xoogga badan waa in la ilaaliyo
ammaanka dalka iyo dadka,waxaana laga yabaa mararka qaar inaadba arki weydo
cidda ammaanka sugaysa,cajiib malaayiin dad ah ayaa is dhex maraya haddana
looma jeedo cidda ammaanka sugaysa!.

Sadexdaan  magaalo madax 
mid ka mid ah Soomaaliya ayey deris la tahay ,waxaana ku nool dad badan
oo Soomaali ah ganacsiyo waaweyna ku leh, su’aasha mar walba soo noq noqonaysa
ayaa waxay tahay maxaa Soomaalidu sida ay gacanacsiga ugu dhiiradaan goobaha
halistaana uga raadiyaan oo weliba dad badani ku dhintaan ay ugu dhiiran
waayeen ilaalinta sharciga iyo sugidda ammaanka dalkooda iyo magaalooyinkooda?.

Muddo aad u dheer ayaa dadku sharci darro
deris la ahaayeen,waxaana mararka qaarkood jebinta sharciga qayb ka ah masuuliyiinta
loo igmaday ilaalinta sharciga iyo dhowrista ammaanka, ma oran karaa sharciga
ayeysan aqoon, maya! marka ay ugu yaraadaan marka laga soo tago aqoontoodu inta
ay le’egtahay waxaa ay si fiican uga dheregsan yihiin waxyaaha asaasiga ah, waxaa
jirta hagar gundhigeedu yahay bur burka dalkeena iyo kan maskaxeed oo
kaashanaya ilbaxnimo la,aan, waxaa jirta cid inaga oo dhan aan sugayno sharciga
iyo kala danbayntana soo celin doonta, Goorma? 
Yeysa yihiin!?.

Dhibta ugu weyn ee magaalooyinka Puntland soo food saartay ayaa noqotay baabuurta aan taarikada  lahayn  iyo kuwa bacaha madow lagu dahaaray,waxaana labaduba caqabad ku yihiin ammaanka  dadka, dalka iyo weliba anshaxa dhallinta soo koraysa.

Waxaa jira dhacdooyin yaab iyo xanuun badan
oo inta badan ay gaystaan baabuurta aan taarikada lahayd iyo kuwa bacaha madow
lagu dahaaray,iyadoo inta badan marka dhacdooyinku dhacaan si sahlan dadku uga
sheekaystaan laakiin aysan jirin wax talaabo ah ama falcelin lagaga hor tegayo
dhibaatooyinka baabuurtaan iyo dadka wataa gaystaan.

Bartamihiin sanadkii aan soo dhaafnay ayey
ahayd markii nin ka soo jeeda gobollada waqooyi galbeen Soomaaliya uu gaari
kala soo degay dekada magaalada Boosaaso,waxaana shaqsigan oo ganacsade ahi uu
safarkiisa ka soo bilaabay magaalada Boosaaso,waxaana uu ku tegay magaalada
Gaalkacayo,bar kasta oo kantarool oo uu soo istaago waxaa laga qaadayey birta
isaga oo salaan masuul la siinayey,ninkaan ayaa dib ugu soo laabtay magaalada
xarunta ah ee Garoowe waxaana uu ganacsato saaxiibadiisa u sheegay sida wax u
dhaceen waxaanu dhiiri geliyey in arintani ammaanka halis ku tahay lagana hor
tago,dabcan lexejeclo ayaa deegaanka ka haysay walow uu u dhashay gobolada
Waqooyi safarkiisuna waxaa uu ahaa mid tijaabo ah.

Waxa iyana dhowaan ka dhacday sida la ii sheegay magaalada Gaalkacayo darawal wata baabuurta bacahu ku dahaaran yihiin taarikana  aan lahayn ayaa jiiray ilmo yar waana ka cararay ilmaha yar oo dhaawac ah,aabaha dhalay ilmahan ayaa joojiyey gaari u eg kii wiilkiisa jiiray ee nooca Toyota Hilux loo yaqaan, inta badana ay wataan hay’adaha  dawladu waxa uuna ka dejiyey darawalkii waday isagoo isticmaalayey qori caaraddii waxaanu ku xeraystay gurigiisa, muddo dheer ayuu gaariga gurigiisa ku haystay aakhirkiina wada hadal ka dib waxaa laga soo qaaday gaarigii waxaana la siiyey magdhowga ilmihii laga dhaawacay,haddii uu taariko lahaan lahaa ma carareen isla markiiba waa la garan lahaa aabaha ilmaha dhalay sharciga ma jebiyeen qorina ma isticmaaleen.

Sidaasi si la mid bartamihii bishii hadda aan ka soo gudubnay magaalada Garoowe xarunta ah ayaa kaalin shidaal waxaa soo istaagay baabuur nooca aan taarikada lahayn ah,waxaa uu ka buuxsaday shidaal horay ayuuna uga xawaareeyey ganacsadihii shidaalka lahaa oo sii eegaya waxna aan qaban Karin,waxaa arrintaan shakigeedu soo galay nin dhalin yaro ah oo watay gaari aan taariko lahayd oo u eg kii cararay hase ahaatee dhaar ayuu ka maray,cajiib bal yaa celinaya taariko ma leh, kaamira qabataana meesha kuma taal.

Waxaa iyana  murugo iyo raad reeb xun leh in baabuurta
bacaha madow loo isticmaalo waxyaabo dhaqanka iyo anshaxa wanaasan wax u dhimaya,waxaana
la ii sheegay in rag dhalin yaro iyo waayeelba leh ay baabuurta bacda madow ku
dahaaran tahay ku ugaartaan lana istaagaan iskoolada hortooda iyagoo xoogaa
sunuud ah isticmaalaya  si ay u marin
habaabiyaan uga qaraabtaan  gabdhaha yar
yar ee iskoollada ay u soo dirsadeen hooyo iyo aabe jecel kuna han weyn, malaha
kuwani gabdho ma dhalin lamana dhalan.

Sidoo kale waxay istaagaan guryahaya hortooda waxaana laga yaabaa aabe ama hooyo shaqo ka timid gaariga horteeda taagan ay ku jirto gabadhooda oo shaydaan bacaha u soo madoobaystay taarikadana u soo furtay.

Mid ka mid ah madaxdii wasaarada
warfaafinta ee xukuumaddii C/weli Gaas ayaa noo sheegay mar ay waraysi ugu
tageen taliska Ciidamada booliiska Puntland waxna ka weydiinayeen arinta taariga
la’aanta uu soo arkay gawaarida masuuliyiin booliiska taargadooda oo dhex daadsan
xafiiska taliska ciidamada Booliiska malaha hay’adaha kalena waa la mid, laakiin
booliisku waa sharcigii oo sharciga ku tuntay.

Ilaa hadda ma cadda sababta dhabta ee
sharci darada intaas le’eg loo jideeyey waxaase masuulyiinta qaarkood ku
doodaan inay arintaan ugu talaabsadeen arrimo iyaga ammaankooda quseeya, aysanna
doonayn in la ogaado taarikada baabuurka ay wataan su’aasha is weydiin leh ayaa
waxay tahay intee baabuur ayaa taarikadu ka furantahay ama bacahu ku dahaaran yihiin
marka lagu daro kuwa musuuliyiintu  wataan
ee ay sharciga u jebiyeen?. Fili mayo in masuuliyiintani baqdin sharciga u
jebiyeen maxaa yeelay kaneecaba si sahlan ayey u dili kartaa.

Marka laga soo tago ciidamada booliiska iyo kuwa waddooyinka waxaa jira ciidamo qarsoon oo sugga ammaanka waana kuwa inta badan saldhiga u ah nabad gelyada dal Qaran jira leh, hase ahaatee in kastoo aynaan lahayn haddiiba ay jiri laayeen maxaa laga qaban karaa haddii la sharciyeeyey sharci la,aantii dadkiina ayan ka hadlayn dhibaatan ammaankooda halista ku ah.

Kolka aad tagto gobolada waqooyin ee dalka
Soomaaliya ayaadan marnaba arkay baabuur aan taariko lahayn,waxaa iyana sidaas
oo kale la ii sheegay inaan magaalada Muqdisho lagaba aqoon,maxay ku dhacday in
Puntland sharci daradda saldhig u noqoto?.Golaha wasiirada ayaa inta badan afka
ka sheega inaan baabuur taariko la’aan ah la wadan karin hase ahaatee waa hadal
afka laga yiri oo maysan qaadin talaabo la taaban karo laguna joojinayo arrintaan.

Dhowaan ayey kolkii la soo saaray waraaq dadka loogu sharciyeynayo baabuurta bacaha madow ku dahaaran yihiin qofkii doonayaana uu iska bixi karo $50 dolar, waxayna u egtahay inaan si qoto dheer arrintaan looga baaraan degin.

Markii ay soo baxday warqada lagu
sharciyeynayo ku dahaarida baabuurta bacaha madow ayaan arintaan wax ka weydiinay
mid ah madaxda sar sare ee ciidanka Booliiska Puntland waxaana uu noo sheegay
in arrintaasi ay golaha wasiirada ka timid iyaga ka booliis ahaana aysan shaqo
ku lahayn, waxaase ka muuqatay inuu ka xumaa warqada soo baxday,masuulkaan oo
diiday in magiciisa la shaaciyo ayaa hadalkiisa raaciyey arrintaas ay tahay mid
aan sharciga waafaqsanayn.

Waa xilkasnimo la’aan in dadka ku dhaqan Puntland markhaanti ka ahaadaan sharci daraddii oo sharci laga dhigay, waxaa muhiim ah inay arintaan diidaan kana hor yimaadaan, iyagoo ku xisaabtamaya arrintani raadka ay ka tegayso una danaynaya deganaashaha ay haystaan iyo mustaqbalka da’yarta soo kacaysa.

Xilkasnimo
la’aantaada la soco qaybta 4aad.

Abdirazak Yassin Caanogeel

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR