Isagoo dhaliyay afar gool kulankii ay Portugal 5-1 kaga badisay xulka Lithuania, Cristiano Ronaldo ayaa ku dhawaanaya rikoorka goolasha caalamiga ah ee uu xiddigii hore ee xulka Iran Ali Daei kaasoo dhaliyay goolashii ugu badnaa ee xul qaran oo gaaraya 109 gool.

Ronaldo ayaa dhaliyay goolashiisii 90aad, 91aad, 92aad iyo 93aad ee heer caalami kulankii ay ka badiyeen Lithuania, isagoo rigoore ku bilowday qeybtii hore ka hor inta uusan seddex kale ku darin qeybtii labaad.

William Carvalho ayaa goolasha soo xiray iyadoo guusha ay gaartay Portugal ay ka caawineyso inay group-kooda kaga sii jiraan kaalinta labaad iyagoo ka danbeeya Ukraine.

SIDOO KALE AKHRISO:  Arsenal Oo Suuqii Xagaagan Damacday Vinicius JR, Madaxda Kooxda Ee Edu Oo La Xidhiidhay Real Madrid & Nooca Jawaabtii Uu Soo Helay.

Waa markii 54aad waayihiisa ciyaareed ee uu Ronaldo hal kulan dhaliyo seddex gool ama ka badan, waana markii 8aad ee uu seddexleey u dhaliyo xulka qarankiisa Portugal.

Xiddigaha Heysta Rikoorka Goolasha Caalamiga Ah:

SIDOO KALE AKHRISO:  CAJIIB: Taageero Liverpool Ah Oo N’Golo Kante Arooskii Uu Dhawaan Ka Qayb Galay Kaga Codsaday Inuu Reds Kusoo Biiro & Jawaabtii Uu Siiyay.

Goolashaan ayaa ahaa kuwii ugu horeeyay ee uu ka dhaliyo isreebreebka Euro 2020, waxaana uu rajeynayaa inuu wax ku sii darsado kulamada heerka caalami ee la ciyaarayo bisha soo socota isagoo 16 gool u jira rikoorka goolasha caalamiga ah ee Ali Daei.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale jabiyay rikoorka goolasha kulamada isreebreebka Qaramada Yurub isagoo haatan dhaliyay 24 gool waxaana uu jabiyay rikoorkii Robbie Keane kaasoo isreebreebka Qaramada Yurub ka dhaliyay 23 gool.

Lithuania ayaa sidoo kale noqotay xulkii 40aad ee uu xiddiga reer Portugal shabaqa ka soo taabto.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR