Xiddiga kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa xilli ciyaareedkan markale magaciisa baal dahaba kaga qoray buugta taariikhda ee horyaalka Premier League waxaana uu markan gaadhay rekoodh ay kaliya saddex ciyaartoy kaga horreeyeen.

Hazard ayay macquul tahay in xilli ciyaareedkani ahaa kiisii ugu dambeeyay ee uu kasoo ciyaaray horyaalka ugu sarreeya kubadda cagta England iyadoo si aan dhammaad lahayn loola xidhiidhinayo Real Madrid.

Shalay ayay ahayd markii wargeyska ree France ee L’Equipe uu sheegay war cusub oo ah in Hazard heshiiskiisa Madrid la isku fahmay oo ay kooxda ree Spain ku dhawaaqi doonto kaddib marka uu Chelsea matalo Final-ka Europe League.

Rekoodhka uu Hazard gaadhay xilli ciyaareedkan ayaa ah inuu kamid noqday ciyaartoyda Premier League hal xilli ciyaareed kasoo sameeya 15 gool iyo 15 gool caawimo amaba wax ka badan.

28 jirkan ayay kaliya tiradaas kaga horreeyeen halyeeyga Arsenal ee Theirry Henry, Kabtankii hore ee Man United ee Eric Cantona iyo xiddigii kooxda Southampton ee Matt Le Tissier.

Hazard ayaa soo sameeyay 16 gool xilli ciyaareedkan halka uu 15 kale caawiye ka noqday waxaana ay isku xog dhaw yihiin Cantona oo soo dhaliyay 15 gool 16 kalena caawiye ka noqday,

Le Tissier isagu ka tiro fiican labada xiddig ee hore waxaana uu soo dhaliyay 19 gool halka uu 16 kale caawiye ka ahaa ugu dambayntiina Henry oo isagu ugu sarreeya liiskan ayaa soo dhaliyay 24 gool 20 kalena soo caawiyay hal xilli ciyaareed.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR