Chelsea ayaa xalay iska lumisay fursad wayn oo ay sare ugu soo qaadi kartay hamigeeda kaalinta afraad ee Champions League loogu soo baxayo waxayna Blues la soo laabtay guuldaro xanuun badan oo waliba saamayn wayn ku yeelanaysa tartankii ay ugu jireen in ay afarta kaalmood ee sare kaga soo baxaan Premier league.

Guuldaradii xalay Chelsea ka soo gaadhay Liverpool waxay albaabka u furtay kooxaha Arsenal, Tottenham iyo Man United oo ah kooxaha uu xifiltanka ugu wayni xili ciyaareedkan ku dhex marayo kaalmaha saddexaad iyo afraad ee Premier league.


Aan marka hore idin xusuusiyo dhibcaha ay kala haystaan kooxaha Arsenal, Man United, Chelsea iyo Tottenham inkasta oo ayna kulamo isku mid ah ciyaarin, waana sababta ay u kala fursad fiican yihiin.

Chelsea ayaa 34 kulan ka heshay 66 dhibcood waxayna wali ku sii jirtaa kaalinta afraad laakiin waxay laba kulan dheer tahay Arsenal oo haysata fursada ugu fiican maadaama oo ay lix kulan baaqi yihiin waxaana ka mid ah kulanka ay haddaba isku diyaarinayso ee Watford.


Arsenal waxay 32 kulan ku haysataa 63 dhibcood halka Man United ay 33 kulan ku haysato 64 dhibcood laakiinTottenham oo kaalinta saddexaad ku jirta ayaa 33 kulan ku haysata 67 dhibcood laakiin haddii ay Arsenal guulaysato kulankeeda waxay Tottenham u soo jirsan doontaa hal dhibic oo kaliya.

Chelsea ayaa haysata afar kulan oo kaliya baaqi uga ah xili ciyaareedkan waxaana ku jira kulanka ay Man United la ciyaari doonto halka Tottenham ay mari doonto imtixaanka Man City laakiin Arsenal ma jiraan kooxo waa wayn oo ay ka walwalsan tahay.

Haddaba waa sidee fursada ay haystaan kooxaha Tottenham, Arsenal, Man United iyo Chelsea ee ay ugu soo bixi karaan kaalmaha saddexaad iyo afraad ee Champions league loogu soo baxayo?

Kulamada U Hadhsan Tottenham Ee Horyaalka Premier league

April 20: Man City vs Tottenham
April 23: Tottenham vs Brighton
April 27: Tottenham vs West Ham
May 6: Bournemouth vs Tottenham
May 12: Tottenham vs Everton

Kulamada U Hadhsan Arsenal Ee Horyaalka Premier league

April 15: Watford vs Arsenal
April 21: Arsenal vs Crystal Palace
April 24: Wolves vs Arsenal
Apr 29: Leicester vs Arsenal
May 4: Arsenal vs Brighton
May 12: Burnley vs Arsenal

Kulamada U Hadhsan Man United Ee horyaalka Premier league

April 21: Everton vs Man United
April 24: Man United vs Man City
April 28: Man United vs Chelsea
May 5: Huddersfield vs Man United
May 12: Man United vs Cardiff

Kulamada U Hadhsan Chelsea  Ee horyaalka Premier league
April 22: Chelsea vs Burnley
Apr 28: Man United vs Chelsea
May 4: Chelsea vs Watford
May 12: Leicester vs Chelsea

Arsenal ayaa wali ah kooxda ugu fursada fiican ee afarta sare ku dhamaysan karta maadaama oo ayna wax koox wayn ah la ciyaari doonin kulamada baaqiga ah laakiin Man United, Chelsea iyo Tottenham ayaa dhamaantood mari doona imtixaano adag.

Haddaba akhriste, iyada oo Liverpool iyo Man City ay xaqiiq noqotay in ay kaalinta kowaad iyo labaad haystaan, labadee kooxood ee kale ayaa afarta sare la soo buuxin doona?

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR