Kooxda Liverpool ayaa iska reebtay rekoodhkii liitay ee ay Anfield kaga haysatay Chelsea waxayna kooxda Maurizio Sarri iskugu dartay guuldaro xanuun badan iyo waliba ceeb dhinaca xogta kulankan ahayd. Liverpool ayaa loo diwaan galiyay xog ayna xataa ku helin kooxaha yar yar ee Premier league.

Xogta guud ee laga diwaan galiyay kulankii Anfield waxa uu muujinayaa in Liverpool ay sida ay doontu ugu dul ciyaartay kooxda martida ahayd ee Chelsea taas oo muujinaysa sida uu Jurgen Klopp kooxdiisa Liverpool ugu soo diyaariyay kulankan.


Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobnay xogtii guud ee laga diwaan galiyay kulankii Anfield ee ay Liverpool guusha ka gaadhay kooxda Chelsea.

Maxay Ahayd Xogtii Lala Yaabay Ee Laga diwaan Galiyay Anfield Ee Kulankii Liverpool iyo Chelsea?


Guud ahaan Liverpool ayaa boosishanka ciyaarta haysatay boqolkiiba 61.9% waxayna kooxda martida ahayd ee Chelsea haysatay boqolkiiba 38.1% kaliya taas oo muujinaysa sida ciyaarta loogu kala awood badnaa isla markaana ay Reds u maamushay kooxdii uu Sarri soo xushay.

Liverpool ayaa 15 darbo ku gantay goolka Chelsea waxayna laba ka mid ah ku dhaliyeen goolashii ay guusha ku gaadheen balse taas badalkeeda Chelsea waxay awooday in ay 6 darbo oo kaliya u tuurtay dhinaca goolka Liverpool wax goolal ahna kumay dhalin.

Liverpool waxay samaysay 7 bartilmaameed oo goolal noqon kari lahaa inkasta oo laba ka mid ahi ay goolal ku dhaliyeen halka Chelsea ay abuurtay 3 bartilmaameed oo kaliya oo ayna wax goolal ah ku dhalin.

Liverpool ayaa 5 jeer iska dabooshay halis ay Chelsea fursado ku abuuri kartay ama ay goolal ku dhalin kareen halka Chelsea ay hal daboolid fursadeed oo kaliya samaysay.

Haddaba halkan kaga bogo xogta isbarbar dhiga wax qabadkii Liverpool iyo Chelsea ee kulankii Anfield.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR