Waxa si Rasmi ah loo dhamaystiray xalay kulamadii 8 dhamadkii champions League iyada oo 4 kooxood isugu soo hadheen Semi-finalka tartanka kuwaas oo u dagaalami doona sidii ay ugu guulaysan lahaayeen tartanka xilli ciyaareedkan.

Laba Kooxood Oo Premier League ah ayaa ku soo baxay Semi-finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan iyada oo kooxda Tottenham dhaaftay kooxda Man City Inkasta oo ay guuldaro kala kulmeen xalay laakiin goolkii lugtii hore ayaa si weyn u caawiyay kooxda reer London.

Kooxda Ajax ayaa dhankeeda sii waday mucjisadii iyada oo dhaaftay kooxda Juventus kadib guul 2/1 ah oo ay ka gaadheen kooxda reer Italy kadib bar-baro 1/1 ah oo ay la galeen kulankii lugtii hore.

Kooxda Barcelona ayaa si xarago leh u dhaaftay kooxda Man United iskana xaadirisay Semi-finalka tartanka champions League kadib markii ay 4/0 ku garaacday kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Waxa Semi-finalka tartanka champions League iska xaadiriyay 2 kooxood iyo wax ka badan markii ugu horaysay tan ilaa 2008/2009 markaas oo ay Semi-finalka tartanka champions leagus iska xaadiriyeen kooxaha Chelsea, Arsenal iyo Man United.

Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa ka hor qaaday tartanka champions League iyaga oo ku guulaystay kana qaaday kooxda Man United kulan xiiso leh oo ay labada kooxood soo bandhigeen.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR