Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xalay bandhig cajiib ah kala soo hor muuqday kulankii kooxda Lyon wuxuuna door wayn ka qaatay in kooxda Valverde ay taariikh badan ka heshay kulankii Camp Nou. Guud ahaan waxaa jiray laba rekoodh oo khaas u ahaa Barcelona oo laga diwaan galiyay kulankan laakiin Messi laftiisa waxaa loo diwaan galiyay xog kale oo cajiib ah.

Labada rekoodh ee Barcelona looga diwaan galiyay kulankii Lyon ayaa ahaa in ay noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee garoonkeeda 30 kulan oo xidhiidh ah oo Champions league ah aan guuldaro kula kulmin halka rekoodhka labaad uu ahaa in ayna Barca noqotay kooxdii abid ugu horaysay ee 12 xili ciyaareed oo xidhiidh ah soo gaadhay siddeed dhamaadka UEFA Champions League.

Haddii aan intaas ku soo dhaafno xogta guud ee Barcelona, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waxyaabihii khaaska ahaa ee Lionel Messi looga diwaan galiyay kulankii Lyon ee Camp Nou halkan ayaanad kaga bogan kartaa.
Lionel Messi has scored 62 goals in his 61 Champions League games at Camp Nou for Barcelona.

1- Lionel Messi ayaa barbareeyay rekoodhkii guulaha abid ee uu kooxda Barcelona ku soo haystay Xavi Hernandez kaas oo 476 kulan la soo guulaystay Barcelona, wuxuuna Messi kulankii Lyon kooxdiisa Barca la gaadhay guushiisii 476 aad ee tartamada oo dhan.

2- Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkii 11 aad oo xidhiidh ah waxa uu Barcelona u soo dhaliyay 35+ gool oo taramada oo dhan ah, waana heer kale oo uu u qaaday gool dhalintiisa isaga oo waliba xili ciyaareedkan soo dhaliyay 36 gool kadib markii uu 36 kulan saftay wuxuuna sidoo kale sameeyay 18 gool caawin!!.

3- Lionel Messi ayaa markii waayihiisa ciyaareed ugu horaysay waxa uu hal kulan oo Champions league ah ka sameeyay laba gool caawin iyo laba gool oo uu dhaliyay, waana markii ugu horaysay ee uu laba gool caawin ka sameeyay kulan Champions league ah tan iyo October 2, 2012 kii markaas oo oo laba gool caawin ka sameeyay kulankii Benfica.

4-Lionel Messi ayaa 62 gool ku soo dhaliyay 61 kulan oo uu Camp Nou kaga soo muuqday tartanka UEFA Champions League taas oo la micno ah in celcelis ahaan uu hal gool ama ka badan ka soo dhaliyay kulamadii uu Barca ugu soo ciyaaray Camp Nou ee UCL.

5- Lionel Messi ayaa kulan oo Champions league ah waxa uu ku soo lug yeeshay afar gool ama ka badan waxaana ka mid ah kulankii Lyon. Halkan hoose kaga bogo shantii kulan ee Champions league ahaa ee uu Messi ku soo lug yeeshay afar gool ama ka badan.

2010 vs ARSENAL (4 Gool)
2012 vs LEVERKUSEN (5 Gool)
2016 vs CELTIC (3 gool/1 caawin)
2016 vs MAN CITY (3 gool/1 gool caawin)
2019 vs LYON (2 gool /2 gool caawin)

6- Lionel Messi ayaa 12 gool oo kaliya u soo jirsaday in uu gaadho 600 gool oo rasmi ah ee waayihiisa ciyaareed ee Barcelona wuxuuna gool dhalintiisa gadhsiiyay 588 gool halka uu gool caawintiisa Barcelona ka dhigay 230 gool taas oo la micno ah in 673 kulan uu ku soo lug yeeshay 828 gool oo ay Barcelona soo dhalisay.

Si kastaba ha ahaatee, Lionel Messi ayaa halkiisa ka sii wata in uu saamayn laaybleh ku yeeshay kulamada Barcelona ee xili ciyaareedkan wuxuuna 6 kulan oo uu Champions league ka soo muuqday xili ciyaareedkan ku dhaliyay 8 gool halka uu 3 gool caawin soo sameeyay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR