Erling Braut Haaland waa da’yarkii habeen hore kasoo dhalaalay tartanka UEFA Champions League ee saddexleyda ka dhaliyay kooxd ree Belgium ee Genk waxaana durtaba saxeexiisa lala xidhiidhinayaa kooxo dhawr ah oo waaweyn.

Manchester United ayaa qayb ka ah liiska kooxaha doonaya, Dabcan sababta ugu weyn oo loogu arko kooxda heli karta ayaa ah inuu Norway kala soo jeedo tababaraha kooxdaas ee Ole Gunnar Solskjaer iyo waliba baahida weeraryahan ee ay kooxdaasi qabto.

Alf-Inge waa aabaha wiilkan, Khadkii dhexe ee hore ee kooxaha Leeds United iyo Manchester City, Dabcan Alf-Inge aad ayuu u neceb yahay Red Devils isaga oo hore u yidhi “Xaqiiqdii waan necebahay United umana dul qaadan karo ciyaartoydooda”.

Nacaybkan ayaa kasoo bilawday kulan uu kabtankii hore ee Man United ee Roy Keane uu sanadkii 2001 taakal waali ah oo dhaawac xun u gaystay ku qabtay Alf-Inge.

Keane iyo Man United waxa ay si dadban u gabo-gabeeyeen waayihii ciyaareed ee aabaha ay maanta wiilkiisa doonayaan maadaama oo uu Alf-Inge kulankaas kaddib marnaba 90 daqiiqo oo dhammaystiran ciyaarin sababtoo ah dhaawaca jilibka ka gaadhay.

Sheekada xiisaha leh ayaa ah in Alf-Inge oo haatan waraysi bixiyay uu muujiyay sida uu wixii hore iskaga ilaaway isaga oo yidhi hadal ka farxiyay jamaahiirta Red Devils sheegayna inay fiicnaan lahayd in wiilkiisu uu ku biiro.

Alf-Inge oo la weydiiyay aragtidiisa haddii wiilkiisu uu ku biirayo United ayaa yidhi “Way fiicnaan lahayd, Waa muhiim inaad kala saarto ahaanshaha taageere iyo shaqo”.

“Sidaas darteed anigu xidhiidh aad u raaxo badan ayaan la leeyahay midaas, Wax yar ayay sidan ka duwan tahay marka ay dhab tahay”.

“Haa, Waxaan filayaa in ciyaartoyda oo dhami ay ku riyoodaan joogista Premier League hal mar ama mar labaad, Waa horyaalka hela dareenka ugu badan waxaana uu leeyahay kooxo aad u tayo wanaagsan”.

Sawirka Wakhti Uu Tababare Solskjaer Kooxda Molde Kusoo Tababarayay Haland

Image

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR