Coach-MOhamed-Abdulle-Farayare-talks-to-Somali-U-17-boys-during-training-at-Khartoum

(Muqdisho) 12 Oct 2017.Warar hor dhac oo ay heleyso Gool FM ayaa sheegaya in kooxaha dalkeena laga soo xuli doono ciyaartooy, kuwaasoo ma tali doono qaranka Soomaaliya.

Somaaliya ayaa  ka qeyb qaaan doonta CECAFA Senior Challenge Cup 2017 oo lagu marti gallin doono dalka Kenya.

Sida qorshaha uu yahay waxaa koobka ciyaari doono 12 wadan xilli uu socon doono November illaa iyo December.

Xogta ay heleyso Gool FM ayaa sheegeysa in qaranka uu hoggaamin doono macalin Farayare oo ka mid tababarayaasha ugu fiican Afrika.

Ciyaartooyda kooxaha ayaa ku jira is xoreyn iyo diyaar garoow,waxaana la qorsheeyay in tababarka uu billaawdo asbuuca soo aadan.

Koobkan waxaa difaacaneysa Uganda oo sanadkii 2015 ka qaaday wadanka Rwanda, markii ay uga badisay 1-0.

Somaliya ayaa sanadkii ugu dambeeyay ee koobkan la qabto ku jirtay guruubka A, xilli bandhig wanaagsan ay ku sameysay.

Heerka guruubyada tartankan ayaa la sameyn doonaa, waxaana xusid mudan in CECAFA Senior Challenge Cup aan la qaban sanadkii la soo dhaafay ee 2016.

W/D:Mahad Shariif Jilacoow

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR