(Moscow) 24 Juunyo 2018 Xulka qaranka Masar ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Salah uu ka fariisanayo xulka kadib koobka adduunka.

Fikirkaan ayaa ku dhashay laacibka kadib markii qaab siyaasadaysan uu dhalashada Chechnya ku gudoonsiiyay madaxwaynaha dalkaas.

Maamulaha xulka qaranka Masar ayaa si cad u beeniyay wararkii ay faafisay CNN, wuxuuna sheegay in Salah uusan ku soo hadal qaadin arin la xiriira ka fariisashada xulka.

“Salah nagalama hadlin wax la xiriira ka fariisiga xulka, mana rumaysni inuu niyad u haayo taas, xulka Masar qayb kama ahan dhibaatada haysata laacibka” ayuu yiri.

“Waxaa haboon in arinkaas wax laga waydiiyo FIFA, waayo anaga mamnuuc ayeey naga tahay inaan ka hadalno arimo siyaasadeed”.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR