Xulka qaranka Argentina ayaa u soo baxay siddeed dhamaadka tartanka Copa America kadib markii ay guul 2-0 ah ka gaadheen xulka Qatar kulankii saddexaad ee Group B waxaana caawiyay xulka Colombia oo isna guul 1-0 ah ka gaadhay Paraguay.

Waxaa guushan xulka Argentina ka caawiyay Lautaro Martinez iyo Sergio Aguero oo min hal gool dhaliyay waxayna ugu danbayn iska reebeen cadaadiskii ay ugu bilawdeen Copa America.

Waxa kale oo uu xulka qaranka Argentina ka badbaaday in ay isku dhici karaan marti galiyaasha koobka Copa America ee Brazil.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN

ARGENTINA (4-3-3): Franco Armani; Renzo Saravia, Juan Foyth, Nicolas Otamendi, Nico Tagliafico; Rodrigo de Paul, Leandro Paredes, Giovani Lo Celso; Lionel Messi, Lautaro Martinez, Sergio Aguero.

Kaydka: Paulo Dybala, Guido Pizarro, Agustin Matchesin, Roberto Pereyra, Juan Musso, Matias Suarez, German Pezzella, Angel Di Maria, Milton Casco, Guido Rodriguez, Marcos Acuna, Ramiro Funes Mori.

QATAR (3-5-2): Saad Al Sheeb; Bassam Al Rawi, Boualem Khoukhi, Tarek Salman; Pedro Miguel, Hassal Al Haydos, Salem Al Hajri, Abdelaziz Hatim, Karim Boudiaf; Akram Afif, Almoez Ali.

Kaydka: Abdullah Al Ahrak, Mohammed Al Bakri, Ahmad Moein, Ahmed Al Aeldin, Hamid Ismaeil, Yousef Hassan, Ali Hassan Afif, Ahmed Fathy, Tameem Mohammed.

Xulka qaranka Argentina ayaa culays wayn ka dareemayay natiijooyinkii liitay ee ay labadii kulan ee hore ee Group B ku soo qaateen tartanka Copa America waxayna doonayeen in ay u dagaalamaan booskooda sideed dhamaadka tartankan.

Daqiiqadii 4 aad ee bilawgii ciyaartaba xulka Argentina ayaa helay goolka furitaanka ee ay sida wayn ugu farxeen kaas oo uu dhaliyay da’yarka Inter ee Lautaro Martínez kaas oo xulkiisa xili horeba culayskii ka dul qaaday.

Lautaro Martínez ayaa si fiican uga faa’iidaystay qalad uu difaaca xulka Qatar sameeyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Argentina ku heleen fursad ay culayska iskaga yareeyeen.

Argentina ayaa dagaal wayn ugu jiray in ay keensadaan goolka labaad halka xulka Qatar ay raadinayeen qaabkii ay ciyaarta ugu soo laaban lahaayeen.

Daqiiqadii 40 aad waxa uu xulka Qatar helay fursad ay ciyaarta ugu soo laaban kareen isla markaana ay Argentina culayskii ugu soo celin kareen laakiin  Hatim ayaa lumiyay fursada uu goolkan ku dhalin lahaa.

Daqiiqadii 45 aad Birta Goolka! Xulka Qatar ayuu nasiibku ka diiday in ay ciyaarta qaybteedii hore farxad ku baxaan kadib markii uu Al Rawi uu kubbad laaga xorta ah uu birta ugu garaacay Argentina waxayna markan Messi iyo asxaabtiisa Argentina ka badbaadeen gool cadaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay iyada oo xulka Argentina ay hogaanka ku hayeen 1-0 balse ayna Qatar wali quusan waxa kale oo uu xulka Argentina farxad ka helayay in waqtigii nasashada uu xulka Colombia isna 1-0 hogaanka kaga hayay Paraguay.

Qabtii labaad ee ciyaarta xulka Qatar ayaa dhiiranaan ku soo galay laakiin waxay ku dhibtoonayeen in ay kubbad hal abuur fiican leh sameeyaan halka Argentina ay qaybtii labaad ciyaarta soo galeen iyaga oo caajis badani uu ka muuqday.

Laakiin daqiiqadii 61 aad Argentina ayaa ugu danbayn u muuqday in ay heleen goolkooda labaad laakiin waxaa dabaal degii jamaahiirtooda joojiyay goolhayaha xulka Qatar ee Al Sheed oo fursad gool loo fishay oo uu Aguero dhalin lahaa badbaadiyay.

Daqiiqadii 70 aad difaaca Argentina ayaa qalad waali ah sameeyay waxaana fursad uu gool ku dhalin karo helay Afif balse waxa uu ku fashilmay in uu deganaan muujiyo isaga oo fursadan qasaariyay.

Lionel Messi ayaa daqiiqadii 73 aad aamini kari waayay waxa uu sameeyay kadib markii uu isku dayay in uu kubbad goolka Qatar la soo daba mariyay uu cirka u darbeeyay isaga oo si waali ah oo aan looga baran fursadan u lumiyay.

Daqiiqadii 76 aad Pual Dybala ayaa kaydka looga yeedhay waxaana ciyaarta laga saaray xidiga goolka kaliya ee ay Argentina hogaanka ku hayeen dhaliyay ee Lautaro Martínez.

Daqiiqadii 82 aad Pual Dybala ayaa markiiba saamayn fiican xulkiisa ku yeeshay wuxuuna goolka labaad ka caawiyay Sergio Aguero si ay u xaqiijistaan guusha ay sida wayn ugu baahnaayeen wuxuuna Aguero ciyaarta ka dhigay 2-0 ay Argentina walwalkii iskaga reebeen.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 uu xulka Argentina guul muhiim ah kaga gaadhay Qatar waxayna kaalinta labaad kaga dhamaysteen Group B.

Xulka Colombia ayaa kaalinta kowaad si xarago leh ugaga soo booday Goup B kadib markii ay saddexda kulanba guulaysteen, waxayna Argentina kaalinta labaad ku heshay guusha ay Qatar ka gaadheen iyo in ay Colombia guuldaro baday Paraguay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR