(Russia) 11 Luulyo 2018.  Xulka Croatia ayaa gaaray finalka koobka adduunka 2018 kadib markii ay 2-1  ay ku garaaceen dhigooda England.

Kulanka ayaa ku bilaawday si xiiso badan waxayna labada xul Croatia iyo England ay qeybtii hore ay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u siiso badan.

Cayaarta ayaa lagu kala nastay qeybtii hore 1-0 uu ku hogaaminayay xulka qaranka England, kadib markii uu u dhaliyay daqiiqadii 5-aad ee bilawga qeybtii hore xidiga Kieran Trippier oo dhaliyay laad xur ah ee aad u qurxoon.

Labada xul ayaa inta lagu jiray qeybtii hore waxay sameeyeen fursado halis ah, balse waxay ku guuldareesteen in ay goolal u badalaan.

Dib markii loogu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta xulka qaranka Croatia ayaa qabtay shaqo adag si uu u soo barbareeyo goolka ciyaarta looga hogaaminayay.

Laakiin Croatia ayaa rajada ay qabtay waxay u suuragashay daqiiqadii 61-aad kadib markii uu gool u dhaliyay xidiga kooxda Inter Milan Ivan Perisic oo caawin ka helay Sime Vrsaljko, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay barbaro 1-1.

Waqtiga loogu tala galay ciyaarta ee 90-ka daqiiqo ayaa wuxuu kusoo idlaaday barbaro 1-1, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oodheeri ah.

Xulka qaranka Croatia ayaa la yimid gool daqiiqadii daqiiqadii 109-aad ee waqtiga dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray kadib markii uu u dhaliyay Mario Mandzukic oo caawin qurux badan ka helay Ivan Perisic.

Ugu dambeyna kulanka ayaa ku dhamaaday 2-1 oo ay guusha ku raacday xulka qaranka Croatia oo u guday kulanka finalka koobka adduunka ay kula ciyaari doonaan dhigooda France.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR