Xulka qaranka Ivory Coasta ayaa guul muhiim ah oo ay u dagaalameen ka gaadhay dhigooda South Africa kulankoodii ugu horreeyay ee heerka Group-yada.

Kulankan oo ahaa mid qaybtiisii hore la isku mari waayay bar-bardhac goolal la’aan ah ayuu ugu dambayn hoggaanka ahna goolka guusha Cote d’Ivoire u dhaliyay weeraryahan Jonathan Kodjia.

Shaxihii Labada Xul Qaran Ee Kulankan

Falanqaynta Guud Ee Kulanka

Kulankan ayaa ku bilawday qaab dar dar leh, Sidii la filayay waxaa markiiba inta badan maamulka ciyaarta la wareegay xulka Ivory Coast iyaga oo ahaa kuwa ugu cad cad ee goolal laga filan karayay.

Nicolas Pepe ayaa daqiiqadihii ugu horreeyay ee kulankan qaab wanaagsan uga soo galay garabka midig ee diilinta ganaaxa waxaana uu baas goolka ugu hor furay Jonathan Kodjia balse Kodija ayaa awoodi waayay inuu kubadda lugta la gaadho.

Daqiiqadii 25-aad ee kulankan ayuu xulka South Africa ku dhawaaday inuu hoggaanka u qabto  kulanka kaddib karoos halis ah oo uu madaxeeyay Hiatshwayo balse kubadda ayaa wax yar u martay birta goolka.

Fursadii ugu halista badnayd ayaa timid daqiiqadii 30-aad ee ciyaarta, Pepe ayaa markale dhibaato ku abuuray South Africa kaddib markii laad xor ah oo uu tuuray uu ku dhacay birta goolka qarkana u fuulay inuu hoggaanka u dhiibo dalkiisa.

ALA MAXAY FURSAD AHAYD!! Jonathan Kodjia ayaa si fool ka fool ah kubadda ugula baxay goolhayaha South Africa ee Williams isaga oo laag gantaal ah ku riday, Goolhaye Williams ayaa si adag u difaacay kubaddaas.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah, Xulka Cote d’Ivoire ayaa ahaa midka kubadda inta ugu badan haystay sidoo kalena fursada halista badan helay.

Qaybta dambe ee kulanka ayaa bilaabantay labada xul qaran ayaana kulankan soo galay iyaga oo dadaal ugu jira sidii uu midkasta hoggaanka u qaban lahaa.

GOOAL: Goolka furitaanka ee kulankan ayaa yimid, Xiddigaha Ivory Coast ayaa weerar rogaal celis deg deg ah halka dambe kasoo dhisay, Gradel ayaa baas qaab hadiyadaysan kubadda ugu hordhigay goolka waxaana si fudud goolhayaha South Africa kubadda ku daba mariyay Jonathan Kodjia.

Intaa kaddib kulanka ayaa noqday mid xidhan fursadihii halista badnaana ay ku yaraadeen, South Africa ayaa soo qaadaysay weeraro yar yar balse marnaba may samayn halis badan oo ay shabaqa ku gaadhaan.

Markale Pepe, Weeraryahanka Lile oo kulankan halis weyn kusoo abuurayay South Africa ayaa markale laad xor ah meel dhaw kaga tuuray balse goolhaye Williams ayaa markan si cajiib ah goolkiisa dirqi ugaga duwan kubadda.

Ugu dambayn, Kulankan ayaa kusoo dhammaaday 1-0 ay guushu ku raacday xulka Ivory Coast waxaana ay goolka madiga ah ee kulankan uga mahad celinayaan Jonathan Kodjia.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR