Xulka qaranka Senegal ayaa u soo baxay afar dhamaadka koobka qaramada Afrika ee dalka Masar ka socda kadib markii ay guul 1-0 ah ka gaadheen dhigooda Benin.

Idrissa Gueye ayaa go’aamiyay natiijada kulankan kadib markii uu dhaliyay goolka kaliya ee uu xulkiisu guushan ku gaadhay halka gool uu Sadio Mane dhaliyay offside ahaan looga diiday.

Xulalka qaramada Senegal iyo Benin ayaa u ordayay sidii ay ugu soo bixi lahaayeen afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kadib markii ay dagaal culus ku soo gaadheen wareegan ay ku kulmeen ee siddeed dhamaadka.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid laysku mari waayay oo ayna labada xul awoodin in ay wax goolal ah kala dhaliyaan taas oo keentay in qaybtii labaad ee ciyaartu ay labada xulba muhiimad wayn u lahayd.

Daqiiqadii 69 aad ayaa noqotay waqtigii ay labada xul ugu danbayn wax isdheeraadeen kadib markii uu  Idrissa Gueye xulkiisa Senegal u dhaliyay goolka furitaanka ee ay dhibaatada ugu abuureen dhigooda Benin.

Xidiga kooxda Everton ee  Idrissa Gueye ayaa awooday in uu xulkiisa Senegal lugta hore siiyay isla markaana uu ka caawiyay in ay cadaadis badan saareen Benin oo markii goolkan laga dhaliyay uu culays wayni saarmay.

Sadio Mane ayaa dhaliyay goolka labaad ee ay Senegal u arkeen in ay ciyaarta si buuxda ugu guulaysteen laakiin goolkan ayaa offside ahaan loo diiday waxaana meesha ka baxday farxadii Mane iyo xulkiisa Senegal ay u qaateen in ay goolka labaad heleen.

Daqiiqadii 82 aad musiibada xulka Benin ayaa sii laba jibaarantay kadib markii kaadhka cas oo toos ah loo taagay xidiga  Olivier Verdon taas oo keentay in Benin oo gool lagu leeyay in haddana 10 ciyaartoy lagu soo yareeyay.

Xulka Senegal ayaa wali raadinayay goolka labaad si ay ciyaarta si rasmi ah hursada ugu diyaaran iyada oo waqtigu uu ka ordayay tobanka ciyaartoy ee Benin ee xaladu ku sii xumaatay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 uu xulka Senegal guul ku gaadhay isla markaana ay ugu soo baxeen afar dhamaadka koobka qaramada Afrika.

Kulanka kale ee caawa waxaa 10:00 saacada Geeska Afrika wada ciyaari doona xulalka Nigeria oo soo reebay xulkii koobkan difaacanayay ee Cameroon iyo South Africa oo afka soo gashatay xulkii koobkan marti galinayay ee Masar waana kulan xiiso badan oo la sugayo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR