Xulka Soomaaliya ayaa ka haray isreebreebka Koobka Adduunka ee wadamada Afrika ka dib markii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Zimbabwe kulankii lugta labaad ee ka dhacay magaalada Harrare taasoo ka dhigeysa in wadar ahaan ay labada lug ku soo dhamaatay 3-2 oo ay xulka Zimbabwe ku soo baxeen.

Soomaaliya ayaa ka hartay isku aadka Koobka Adduunka iyadoo madaxooda uu sareeyo madaama ay durbaba dhigeen taariikh iyagoo guushii ugu horeysay abid ka gaaray isreebreebka Koobka Adduunka halka ay sidoo kale iska caabiyeen xulka ugu qiimeyn sareeya xulalka ka qeyb qaadanaya is araga hore ee isreebreebka ee wadamada Afrika.

Soomaaliya ayaa iska caabin xoogan muujisay, waxay soo bandhigeen kubad difaacasho adag ah, halka ay sidoo kale shabaqa ku soo taabteen Harare laakiin nasiibka ayaa saacidi waayay.

SIDOO KALE AKHRISO:  AFAR Saxeex Oo Haddii Man United Ay Helo Lahayd Tartamayaal Dhab Ah Ka Dhigi Karayay Balse Ay Xagaagii Seegtay Oo La Ogaaday & Sababaha Kala Duwan.

Iska caabintii ay Soomaaliya waday iyo geesinimadii difaacasho ay soo bandhigeen gaar ahaan goolahye Saciid Aweys Ali ayaa ugu danbeyn la jibyay daqiiqadii 77aad markii Marshall Munetsi uu shabaqa u soo taabtay xulka Zimbabwe.

Laakiin xiddigaha Ocean Stars isma aysan dhiganin waxayna durbadiiba bilaabeen inay cadaadis weerar saaraan xulka martida loo ahaa. Daafaca Zimbabwe oo qalqalgalay ayaa kubad hadiyad ah siiyay xiddiga Soomaaliya Omar Abdullahi Mohamed daqiiqadii 85aad kaasoo kubad la kor tagay goolhayaha islamarkaana si fiican uga dulqaaday isagoo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Laakiin Zimbabwe ayaa durbadiiba gool kale heshay iyagoo ciyaarta ka dhigay 2-1 oo ay hogaanka ku qabteen markii uu daqiiqadii 86aad gool u saxiixay Admiral Muskwe.

SIDOO KALE AKHRISO:  Maxay Aheyd Jawaab Celintii Uu Bixiyay Emre Can Markii Si Lama Filaan Ah Looga Saaray Liiska Xiddigaha Champions League Ee Juventus?

Daqiiqadii 1aad ee afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayay Zimbabwe heleen goolkii ay ku soo baxeen ee seddexaad, iyagoo ciyaarta ka dhigay 3-1, waxaana ay wadar ahaan labada lug ku soo badiyeen 3-2 madaama Soomaaliya ay 1-0 ku badisay lugtii koowaad ee Jabuuti ka dhacday.

Zimbabwe ayaa ka mid noqoneysa 40ka xul ee qaarada Afrika ee isagu soo haray wareega labaad ee isreebreebka Koobka Adduunka, waxaana ay qeyb ka noqon doonaan 10 group oo min afar xul ka koobnaan doona.

10kaas group ayaa la doonayaan inay ka soo baxaan 10 kooxood taasoo la micno ah in group walba uu hal xul ka soo bixi doono.

10ka xul ayaa u soo gudbi doona wareega ugu danbeeya ee isreebreebka iyadoo 10ka xul la isku jabin doono iyadoo shan kulan oo minan iyo marti ah la ciyaarsiin doono.

SIDOO KALE AKHRISO:  Super Computer Oo Saadaal Ka Bixiyay Kulamada Premier League Ee Toddobaadkan & Koox Weyn Oo Uu Ku Adkeeyay – Muxuu Ka Yidhi Arsenal vs Tottenham?

Shanta xul ee ka soo baxda ayaa Afrika u matali doonta Koobka Adduunka ee lagu qabanayo dalka Qatar sannadka 2022.

Shaxda Ay Soomaaliya Ku Soo Gashay:

Somalia: Said Aweys Ali, Yonis Farah, Mohamud Ali, Ahmed Said Ahmed, Abel Gigli, Ahmed Ali (Kabtan), Abdelaziz Safimayo Yusuf, Abdulsamad Ahmed, Anwar Sidali Shakunda, Omar Abdulahi,.

Keyd: Hassan Ibrahin, Eyman Mohamed, Abdiwali Abdrihman, Amin Abas, Fahad Abdisamad, Mohamed Abukar, Ibrahim Abdi, Farhan Mohamad.

Liiska xiddigaha kor ku xusan ee matalayay xulka Soomaaliya waa kuwa galay taariikhda iyaga iyo macalimiintooda, waxaana ay qeyb ka noqon doonaan taariikhda isboortiga ee Soomaaliya.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR