Waxa  marba marka ka dambaysa sii kordhaya fursada uu Paul Pogba kaga baxayo kooxdiisa Manchester United isaga oo xiiso aan kala joogsi lahayn ka helaya kooxda ree Spain ee Real Madrid.

Pogba ayaa la aaminsan yahay inuu suuqa xagaagan gudihiisa ku qasbi doono Man United inay u ogolaadaan inuu baxo isagoo u gudbin doona warqadiisa codsiga ee uu bixitaanka ku doonayo.

Pogba ayaa isla maanta saxaafada si cad ugu sheegay inuu doonayo bilaabista loolan cusub taas oo la micno ah rabitaankiisa ah inuu kooxda iskaga tago.

Si kastaba, Mid kamida sababaha uu Pogba uga hayaamayo Manchester United ayaa ah dhibaato uu kala kulmayo jamaahiirta kooxda kuwaas oo af-xumo u geystay kulankii ugu dambeeyay Premier League ee ay Cardiff lasoo ciyaareen.

Marka laga yimaado inaysan Red Devils wax koobab ah kusoo guuleysan kuna soo dhammaysteen booska lixaad ee kala sarreynta Premier League, Pogba ayaa soo qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa waayihiisa ciyaareed marka la eego xogtiisa shaqsiga ah

26 jirkan ayay xogtiisa xilli ciyaareedkii dhawaa ee horyaalku tahay mid gabi ahaanba aamusiinaysa jamaahiirta isaga lidka ku ah ee dalbanaya in kooxda laga fasaxo.

Pogba ayaa meel kasta oo kooxdiisa ah xilli ciyaareedkii 2018-19 kasoo ahaa midka koowaad, Ugu horreynba wuxuu soo dhaliyay goolashii ugu badnaa ee ay United kasoo dhalisay horyaalka oo ahaa 13.

Intaa waxa dheer inuu soo sameeyay gool caawintoodii ugu badnayd horyaalka ee xilli ciyaareedkii dhammaaday (sagaal gool caawimo) isla markaana uu tuuray laadadkooda ugu badan ee bar-tilmaameed ahaa (50 laag).

Sidoo kale xiddigii hore ee Juventus ayaa soo sameeyay fursadaha ugu badan ee kooxdiisa waxaana ay ahaayeen 55 fursadood isagoo sidaas oo kale ahaa xiddiga ugu badan ee kusoo guuleystay qaladaad lagu galay (69) qalad.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR