(Spain) 13 Feb 2018.Cristiano Ronaldo ayaa u muuqday mid ay ka jajaban tahay kal ciyaareedkan kaddib sida liidata uu ku bilowday, balse Tiro koob la soo saaray ayaaba sheegaya in xarfaanka uu ka Shidan yahay kal ciyaareedkii hore.

Ronaldo ayaa ganaax uga maqnaa kulamadii bilowga ee La Liga kaddib markii uu garsooraha kala tuuray koobkii Spanish Super Cup ay ka qaadeen Barcelona iyadoona markaa lagu ganaaxay Shan kulan.

Xiddiga reer Portugal ayaa markii uu ganaaxa ka soo laabtay ay ku adkaatay inuu shabaqa tago, wuxuuna ugu dambeyn gool helay ciyaartii ay 2-1 uga adkaadeen Getafe 14-kii Oktoobar.

Misane Bil ayay ku qaadatay inuu helo gool kale horyaalka La Liga.

Yeelkeede laacibka ayaa iminka soo rogaal celiyay oo 3-kulan ayuu 7-gool ku dhaliyay, min Labo gool uu ka xareeyay Deportivo iyo Valencia iyo saddexleey uu ka dhaliyay Real Sociedad.

Tiro koob la soo saaray iminka ayaa sheegaya in Ronaldo uu 23-gool ku dhaliyay 28 kulan uu ciyaaray dhammaan tartamada waana in labo dheer goolashii uu dhaliyay waqtigan oo kale kal ciyaareedkii tagay.

Intaa oo kaliya ma ahanee Ronaldo wuxuu kaloo saftay daqiiqado ka yar intii uu ciyaaray waqtigan oo kale sanadkii tagay.

Taa ayaana ka dhigan in CR7 uu shabaqa tagayay 101.91 daqiiqaba mar xilli ciyaareedkan halka kal ciyaareedkii tagay waqtigan oo kale uu gool dhalinayay 118.71 daqiiqaba mar.

Isku soo wada duuboo, Ronaldo wuxuu sanadkii tagay ku guuleystay abaal marinta Ballon  d’Or markiisii Shanaad.

EEG TIRO KOOBKA:

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR