(Barcelona) 12 Okt 2019. Halyeeyga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Carles Puyol ayaa ka hadlay dagaalka qabooban ee dhex maray xiddigaha Messi iyo Pique.

Carles Puyol ayaa wuxuu garab istaag u muujiyay Lionel Messi, oo dagaal qabow ah uu dhex maray isaga iyo saaxiibkiis Gerard Pique.

Gerrard Pique ayaa hadalo kulul ka jeediyay maamulka kooxda Barcelona, kahor inta uusan Lionel Messi uga jawaab celinin hadalo kale.

Lionel Messi ayaa sheegay in hab dhaqanka uu sameeynayo daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique uu gabi ahaanba yahay mid khaldan.

Sheegakada intaas oo kaliya kuma eysan ekaanin Gerard Pique ayaa maalmo kahor wuxuu markale sheegay:

“Waxaan kala doortaa waxaan sheegayo iyo waxa aanan dooneynin inaan sheego, Messi ayaa weli ah hogaamiyaha, wuuna hadli karaa”.

“Laakiin waxaan u maleynayaa in hadalka Messi uu la jaan qaadayo kudbadaha ciyaartoydeena”.

Haddaba Carles Puyol oo ka hadlayay arrintan taagan ayaa wuxuu yiri:

Image result for Carles Puyol, Messi and Pique

“Waa inaan ixtiraamno Pique, maxaa yeelay isagu wuxuu sheegay waxa uu ku fikirayo, wuxuu u socdaa si toos ah, dhamaanteen waan garaneynaa isaga”.

“Laakiin waxaan jecleystay qaabka uu kaga hadlay Lionel Messi arrintan, anigana runtii sidiisa oo kale ayaan u dhaqmi lahaa hogaamiye ahaan”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR