(Madrid) 12 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay heshiiska la filayo inuu u kordhiyo kooxdiisa.

Zidane ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay joogitaankiisa Real Madrid, wuxuuna intaa ku daray in xiriirka kala dhexeeya Real uu ka wayn yahay heshiis iyo warqado la saxiixo.

Tababaraha reer France ayaa cadeeyay inuu awoodo in Real Madrid uu qalinka ugu duugo heshiis dhan 10-sano maadama uu aad u jecelyahay kooxda.

“Xiriirka igala dhexeeya Real Madrid waa mid ka wayn heshiis iyo saxiixyo, waan ku faraxsanahay joogitaankeyga halkaan” ayuu yiri Zidane ka hor kulanka Barcelona.

“Waxba ma ahan heshiiska, waxaan u kordhin karaa kooxda mudo 10-sano ah, sifiican ayaan u garanayaa waxa aan samaynayo”.

“Waan ku faraxsanahay kalsoonida ay isiisay kooxda, hadafkeenu waa hal waana inaan guulaysano kulan walba iyo koob walba oo aan ciyaarayno”.

“Aad ayaan ugu raaxaysanayaa shaqadayda haatan”.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR