Zinedine Zidane ayaa ku tilmaamay inay si fursad ah isku arkeen Paul Pogba ka dib markii labada nin laga qaaday sawir iyagoo sheekeysanaya xilli ay isbuucaan kuwada sugnaayeen magaalada Dubai.

Pogba ayaa u joogay Imaaraadka Carabta ka soo kabsashada dhaawaciiisa, laakiin waxaa mar kale soo laabtay wararka xanta ah ee la xiriirinayay Real Madrid ka dib markii lagu sawiray isagoo Dubai kula sheekeysanaya tababaraha Los Blancos Zinedine Zidane kaasoo si weyn u doonayay xiddiga Faransiiska xagaagii.

Laakiin tababaraha Faransiiska ayaa sheegay inuu fasax u joogay Dubai ka dib markii shir ku saabsan isboortiga uu ka qeyb galay intii lagu maqnaa ciyaaraha caalamiga.

“Si fursad ah ayaa isku aragnay. Anigana waan jooga halkaas isna waa uu joogay” ayuu tababare Zidane ku yiri shirkiisii jaraa’id ee maanta markii la weydiiyay inuu jawaab ka bixiyo sawirka laga qaaday isagoo barkad dabaal agteeda kula sheekeysanaya Pogba.

“Madaama aan isgaraneyno, waan isla hadalnay. Idiinma sheegayo wixii aan kuwada hadalnay, waa wax inoo gaar ah.

“Muddo dheer ayaa isgaraneynaa. Si kama ah ayaan isku aragnay, waana sheekeysanay.”

Real Madrid ayaa xagaagii oo dhan lala xiriirinayay xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska Paul Pogba iyadoo tababare Zidane uu si weyn ugu ololeeyay in xiddiga ay isku wadanka yihiin uu geeyo Bernabeu.

Laakiin Manchester United ayaa ku adkeysatay inuusan iib aheyn iyagoo duldhigay qiimo ay awoodi weysay kooxda reer Spain.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR