Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya kulanka adag ee ay kooxdiisa Barcelona la ciyaari doonto Atletico Madrid kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa caawa booqan doonta Atletico Madrid kulan ka tirsan todobaadkii 10-aad ee horyaalka La Liga.

Hadaba waa maxay rikoodhada uu Lionel Messi isha ku hayo kulanka caawa:

1.Xiddiga Lionel Messi ayaa caawa ciyaari doona kulankiisii 800 ee kooxda Barcelona marka xitaa lagu daro kulamada saaxiibtinimooyinka.

2.Dhanka kale kulanka Atletico Madrid ayaa noqon doona kulankii 41-aad ee uu ka hor tago kooxda ka dhisan caasimada waxana ay noqon doontaa kooxda 2-aad ee uu kulamada ugu badan ka hor tagay kadib Real Madrid oo uu ka hor tagay 44 KULAN.

3.Sidoo Kale Lionel Messi ayaa kooxda Atletico Madrid ka dhaliyay 31 gool taas oo cel-celis ahaan u dhiganta 0.69 gool kulan kasta sida uu sheegay wargayska Sport.

4.Lionel Messi ayaa soo taabtay shabaqa Atletico Madrid 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor tago hadii uu kulanka caawa gool ka dhaliyo waxa uu bar-barayn doonaa rikoodhkiisa ugu fiican ee kooxda caasimada.

5.Ugu dambayn Lionel Messi ayaa 3 saddexley iyo 2 Labaley ka dhaliyay Atletico Madrid laakiin tan ilaa 2012 ma dhalin wax ka badan hal gool.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US