Kooxda Liverpool ayaa markii ugu horaysay caawa ku ciyaari doonta garoonkeeda tartanka Champions League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda yar ee Midtjylland kulankoodii 2-aad ee tartanka xilli ciyaareedkan kadib markii ay todobaadkii hore bilowdeen tartanka.

Reds ayaa ku dhibaatootay in ay ilaashato shabaqeeda tartanka champions league xilli ciyaareedkii hore laakiin Reds ayaa shabaqa ilaashatay 5 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay champions League.

Markii ugu dambaysay ee ay Liverpool shabaqeeda ilaashato champions league ayaa ahaa kulankii ay Guusha 4/0 ah ka gaadhay kooxda Barcelona.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US