(Burnley) 18 Sebt 2021. Arsenal ayaa guul ka soo heshay kooxda Burnley oo ay ku booqatay garoonka Turf Moor, kaddib markii ay kag soo adkaatay 0-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadka 5-aad ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Gunners.

Daqiiqadii 30-aad kooxda Arsenal ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta kaddib markii uu 0-1 ka dhigay laacibkooda Martin Oedegaard.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 0-1 ay kaga soo adkaatay Arsenal, kooxda Burnley oo ay ku booqatay garoonka Turf Moor, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada toddobaadka 5-aad ee horyaalka Premier League.

SAWIRRO:

Image

Gool FM.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US