Arsenal ayaa guul muhiim ah waxa ay ka gaareen Leicester City oo ay uga talaabsaseen laba gool oo nadiif ah xilli kulankaan Arsenal ay maamushay

Sheekada Labada Qeyb :Kooxaha Arsenal iyo Leicester City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah wax ayna wada ciyaarayeen kulan ka tirsanaa wareegga 3-aad ee CARABAO CUP .

Arsenal iyaga ayaa ku badnaa maamulka kubadda waliba u dhawaanayeen gool balse dhameystirka ayaa ka maqnaa ee loogu turjumi karay gool.

Leicester City  waxa ay ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah waliba waa ay ku halis giliyanayeen Arsenal waxaana ugu darneyd fursad  gool aheyd taasi oo daqiiqadii 38-aad birta kaga dhacay kooxdaas L. City

Arsenal waxa ay ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh aad ayayna horay ugu soo dhaqaayeen balse kama aysan faa`ideysan maamulkii kubadda .

Biloowgii qeybta labaad, Arsenal aad ayay ugu wacnaayeen ku dhiirashada weerarka  iyo maamulka waxa ayna mudnaayeen gool illaa uu Pepe  uu ka shaqeeyay xilli kubadiisa hore la soo celiyay balse ku celintii oo birta ku dhacday ayaa waxaa iska dhaliyay Christian Fuchs daqiiqadii 57-aad.

Kooxda Leicester City waxa ay u muuqdeen kuwo uu soo wacnaaday baasaskooda iyo in  ay kubadda cagtooda ku daahdo  xilli Arsenal daqiiqadii 70-aad soo giliyeen William oo loo saaray Nelson .

L. City waxaa ay dhibaato ka haysatay in kubadda si sax ah horay ugu soo jiidaan xilli Arsenal gool labaad ay raadinayeen waxa ayan daqiiqadii 77-aad soo giliyeen Ceballos oo oo saaray Willock

Guud ahaan , Arsenal kulankaan iyaga ayaa wacnaa xilli kooxda L. City dhamaadkii isku day sameynayeen waxa ayan Arsenal daqiiqadii 86-aad soo giliyeen Bellerin ooo loo saaray Saka oo kulankaan aad u wacnaa , waxa ayan Arsenal dhaliyeen gool labaad  daqiqiadii 1-aad ee waqtigi dheeriga waxaana ka ka shaqeeyay Bellerin  balse waxaa dhaliyay Edward Nketiah

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US