Kooxda Arsenal ayaa laga reebay tartanka FA Cup-ka kadib guuldaro ay kala kulantay kooxda Southampton kulan ka tirsanaa wareega 4-aad ee tartanka.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ahaa mid ayna Arsenal soo bandhigin qaab ciyaareed lagu qanci karo xilli ay ku dhibaatoodeen in ay wax saamayn ah ku yeeshaan kulanka.

Southampton ayaa dhankeeda ahayd kooxda ku fiican wax walba oo kulanka ah iyaga oo Arsenal kaga fiicnaa dhanka weerarka, khadka dhexe iyo daafacaba.

Kooxda Southampton ayaa daqiiqadii 24-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu iska dhaliyay daafaca Arsenal ee Gabriel kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Arsenal ayaa la filayay in ay la wareegto maamulka ciyaarta waliba Southampton ku riixdo in ay dhaliso goolal bar-baraha.

Laakiin Arsenal ayaan laba kubad isku dhiibin iyaga oo gabi ahaan ku dhibaatoonayay khadka dhexe oo looga awood badnaa iyo weerarka oo ayna waxba ku hayn.

Southampton ayaa dhawr jeer ku dhaatay in ay Arsenal ka dhaliso goolal laakiin nasiibka ayaa ka hor istaagay in ay sii dheeraysato hogaanka ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Southamton hogaaminayso natiijo ahaan iyo qaab ciyaareed ahaanba.

Qaybta Dambe:

Mikel Arteta ayaa kooxdiisa kula soo dar-daarmay in ay cadaadis badan saaraan kooxda Southampton laakiin Xiddigaha Arsenal ayaan u muuqan kuwo doonaya in ay kulanka badiyaan.

Southampton ayaa dhankeeda sii waday raadinta goolal ay ku dilaan ciyaarta xilli ay halis galiyeen goolhayaha kooxda Arsenal ee Bernd Leno.

Arteta ayaa is badal ku sameeyay shaxdiisa taas oo keentay in ay kooxdiisu madaxa kor u qaado waliba cadaadis saarto kooxda Southampton.

Laakiin Kooxda Southampton ayaa samaysay difaacasho fiican iyaga oo Arsenal ka hor istaagay in ay goolkooda soo taabtaan.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Southampton Arsenal ka reebtay Tartanka FA Cup-ka

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Hadii Gacaliyahaagu Kuu Xanaaqsan Yahay, Ku Raali Gali Arimahan, Wuu Ku Cafin Doonaa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US