Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay tababare ka dhigtaan Thierry Henry hadii uu Mikel Arteta ka tago kooxda mustaqbalka.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Thierry Henry ayaa haatan tababare u ah kooxda reer America ee Montreal Impact isaga oo halkaas ka bilaabaya dhisida khibradiisa tababaranimo.

Tababarihii hore ee Gunner Arsene Wenger ayaa haatanba Maamulka kooxdiisii hore u sheegay in ay Thierry Henry ka dhigaan badalka Mikel Arteta mustaqbalka hadii uu ka tago kooxda.

“Waxa aan rajaynayaa in uu Thierry Henry noqdo badalka Mikel Arteta ee mustaqbalka, hadii uu haatan guulo ka gaadho shaqadiisa tababaranimo waxa uu ku soo laaban doonaa Arsenal maalin uun”ayuu u sheegay The Guardian.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US