Tababarihii hore ee kooxda chelsea Arsene Wenger ayaa saadaaliyay in uu Thomas Tuchel ku fashilmi doono in uu chelsea ka caawiyo in ay ku dhamaysato 4-ta boos ee ugu saraysa premier League xilli ciyaareedkan.

Tababaraha 47 jirka ah ayaan wali wax guuldaro ah la kulmin tan ilaa markii uu qabtay shaqada Blues laakiin waxa ay kooxdiisu dhibco lumisay kulankii Southampton.

Chelsea ayaa haatan ku jirta kaalinta 5-aad ee kala saraynta iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 4-aad ku jirta ee West Ham.

Wenger oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Makra aan eego dhibcaha ay haystaa waxa aan saadaalinyaa in ay xilli ciyaareedka ku dhamaysan doonaan iyaga oo haysta 63 dhibcood sidaas darteed waxa ay seegi doonaan 4-ta boos ee ugu sareeya”.

“Waxan u malaynayaa in ay 43 dhibcood ka heleen 25 kulan oo ay ciyaareen sidaas darteed cel-celis ahaan waxa ay heli doonaan 63 dhibcood taasna kama caawin karto in ay u soo baxaan champions League xilli ciyaareedka dambe”ayuu sii raaciyay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US