Atlético Madrid ayaa diiday dalab 78 milyan ah oo ay Man City ka gudbisay daafaca reer Uruguay ee José Giménez kaas oo muddo dheer bartilmaameed u ahaa tababare Pep Guardiola sida uu xaqiijiyay Enrique Cerezo.

Giménez ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Man City wargayska AS ayaana sheegaya in ay Atletico Madrid bilowgii bishan ka diiday dalab aad u sareeya ee ay City ku doonaysay saxiixa xiddiga.

Madaxweynaha Atletico Madrid ee Enrique Cerezo ayaa xaqiijiyay in ay Man City ka diideen dalab Rasmi ah isaga oo sheegay in uu doonayo in uu sii haysto xiddiga daafaca ka ciyaara.

“Waxa aan helnay dalab laga soo gudbiyay Gimenez”ayuu u sheegay El Transistor.

“Laakiin Giménez waa xiddig muhiim ka ah kooxda sidaas darteed waxa aan doonaynaa in aan kooxda ku sii haysano.

Laacib.net

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR

LIKE US